Madaxweyne Siilaanyo iyo soo dhawayntii Hargeysa-Sawirro

Hargeysa-(Berberanews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo inta badan Weftigiii uu hoggaaminayey oo labadii toddobaad ee u dambeeyey Safarro ku marayey gobollada Galbeedka iyo Bariga dalka, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay weftiga oo intii ay dhexda ku soo jireen Shil baabuur ku dhacay. Ka hor intii aanu u soo gudbin dhinaca Hargeysa waxa uu Cisbitaalka Berbera ku booqday afar xubnood oo weftigiisa ka mid ahaa oo Dhaawacyoka soo gaadheen Shilka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa intii uu soo socday waxa uu goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha Reer Sheekh. “Sheikh waa magaaladaan wax ku bartay , waa magaaladaan ka Guursaday waa magaalo Taariikh weyn leh.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo reer Sheekh la hadlaayey.

Dadweyne tiro badan ayaa Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay weftiga Madaxweynaha, kuwaasoo kaga hortegay meelo ka baxsan Magaaladda. Dadweyne tiro badan oo waddada dhinacyadeeda tubnaa, ayaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxweynaha.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Weftigiisa, ayaa Xubnihii Weftigiisa ka midka ahaa qaarkood shil Baabuur ku dhaawacmeen Laba Wasiir, Afhayeenka Madaxweynaha, nin kale oo shacab ah, Shilkaas oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera waxaa ku dhintay CABDI CAAQIL MAXAMED CAAQIL CIGAAL kuna magac dheeraa Inna Hadoodil.

Berberanews.com

info@berberanews.com