Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Oo Ka Xog Waramay Masuuliyiinta Shilka Galay Maanta

Hargeysa(berberanews):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Shilka Gawaadhida ee soo gaadhay Xubno ka tirsan Weftiga Madaxweyne Siilaanyo gelinkii hore ee maanta uu yahay mid sahlan, isla markaana Dhaawacyada Wasiirrada iyo Xubnaha kale soo gaadhay lagu dawaynayo Cusbitaalka magaalada Berbera. xirsi Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraal kooban ku baahiyey Shabakadda uu gaarka u eeyahay ee la yidhaahdo Guusha.com, ayaa sheegay Wasiirrada dhaawacoodu yahay mid sahlan.  Shilkaas oo maanta gelinkii hore ka dhacay deegaanka Geel-lookor ee duleedka Magaalada Berbera, ayaa sababay dhimashada Caaqil Cabdi Hadoodil oo ka mid ah Cuqaasha Beelaha Somaliland ee dega gobollada Saaxil iyo Togdheer.   “Shil Sahlan oo sababay khasaare sahlan: mudo kooban ka hor waxaa shil sababay khasaare kooban soo gaadhay waftigii Madaxweynaha oo maraya waddada u dhaxaysaa Sheekh iyo Bebera, Illahay ayaa mahad leh dhamaan dadkii nabad galiyey, waxaan hadda ku suganahay Berbera wakhti dhow kadibna waxaan u soo jeesan doona Caasimada.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiir Xirsi.   Waxaanu Wasiirka Madaxtooyada Somalilnd Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraalkiisa sii watay intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Waxaa xusid mudan in Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ay gacanta kasoo gaadhay dhaawac sababay jab, dhamaan intii kalena nabad iyo caafimaad qabaan. Alxamdullillaah.” War aanu goor dhaweyd helayna waxaa lagu soo waramayaa in masuuliyiinta shilkaa manta dhaawacu ku soo gaadhay in la keenay cisbatalka weyn ee magaaladda hargeysa taas oo loo diyaarinayo in wasiirka warfaafinta c/laahi daahir cukuse lagu wado in looqaado maalinta bariya wadanka aanu jaarka nahay ee jamuuriyadda Djibouti . Halkaas oo dhaawaciisa wax lagaga soo qabanayo in kastoo hadalada soo baxayaa qaar ay is burinayaan ayaa hadana xaqiiqda dhabta ah ee masuuliyiinta ay qabaan la faah faahin.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland