Wasiiro la socday waftigii Madaxweynaha oo ku dhaawacmay Shil Baabur iyo Caaqil Geeriyooday

Berbera(berberanews)Wasiirada Caafimaadka iyo Warfaafinta oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo  ayaa galay shil baabuur, waxaana labada wasiir soo gaadhay dhaawacyo aan illaa hada la xaqiijinta baaxadoodu inta ay leegtahay.

download (6)

Wararka u danbeeyey ee naga soo gaadhaya shilka baabuur ayaa sheegaya in dhaawaca labada wasiir la geeyey Cisbitaalka Berbera, halkaas oo lagu daweynayo.

Shilka ayaa dhacay saaka iyagoo ku soo jeeda magaaladda Berbera, waxaana soo baxaya in wasiirka warfaafintu ka jaban yahay Kalxanta iyo Gacanta, halka Xagla toosiye la sheegayo xaalad miyri doorsoon ah in uu ku jiro.

Wasaaaradda Caafimaadka ayaa u dirtay Gurmad Deg deg ah oo Hargeysa ka baxay, waxaana lagau wadaa in Hargeysa loo soo qaado.

Sidoo Kale  Caaqil Cabdi Hadoodil ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday shil ee baabuur oo ka dhacay deegaanka Geel loo kor, isagoo ka mid ahaa weftigii Madaxweyne Siilaanyo soo galbinayey.

Alla ha u naxariistee Caaqil Cabdi Hadoodil waxa la dhacay gaadhigiisa oo SURF ah, waxaa kaloo ku dhaawacmay nin kale oo la socday.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland