Jaamacadda Burco oo Shahaado Abaal marina ah siisay Telefiishanka HCTV Burco

Telefiishanka  Caalamiga ee   HCTV  xaruntiisa  magaaladda Burco,  ayaa  ka mid  noqday  Hay’addihii  iyo  Shirkadihii ay Jaamacadda  Burco   ku Maamustay   shahaadooyinka   Abaalmarinta,  kuwaaso  ku   mutaystay ka qayb   qaadashadda  Horumarinta   Jaamacadd  Burco.
Waxaana   Shahaadadaasi  uu  gudoomay  Wakiilka  HCTV  iyo Wargayska   Jamhuuriya  ee gobolada   Bariga  Somaliland , Kayse  Axmed  Digaale, waxaana gudoonsiiyey   Madaxweynaha  Jamhuuriyadda  Somaliland  Md Axmed  Siilaanyo.
Burco1
Sanadkii 2012  bishii  Ogosto ee ay Jaamacadda  ka qalin jabinaysay  Dufcadii  labaad  ayaa  wariyaha Telefishiinka  HCTV iyo Wargayska Jamhuuriya  ee gobolada  Bariga  Somaliand  Kayse  Axmed   Digaale, ka mid noqday dadkii  shahaadooyinka abaalmarinta ah ay siisay Jaamacadda  Burco, waxaana xiligaas gudoonsiiyey  Shahaadada  Madaxweyne  ku Xigeenka Somaliland Mud. C/raxmaan Cabdilaahi   Saylici  iyo wafti ay hogaaminayaan ka soo qayb galeen Munaasibada qalinjabinta Ardaydaasi.

Burco2