Al-shabaab oo laga saaray magaalada Qoryooley

BBC-Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Soomaalida ayaa maanta la wareegay magaalada Qoryooley oo shantii sano ee la soo dhaafy gacanta ugu jirtay kooxda Shabaab.
Weriye ka tirsan BBC-da oo magaalada joogo ayaa soo sheegaya in dagaalku uu haatan ka socdo duleedka magaalada.
Ciidamadan oo u badan kuwa Uganda, ayaa waxaa taageeraya taangiyo iyo diyaaradaha wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn.
Qaar la mid ah dadka rayidka ayaa ka qaxay magaaldaasi, oo 90 KM dhinaca koonfur galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho.