“Dhaq-dhaqaaq Ciidan Wuu Jiraa, Cida Bilawday-na Waa Puntland” Wasiirka Gaashaandhiga

Hargeysa (Berberanews) -Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in Maamul Goboleedka Puntland uu dhaq-dhaqaaqyo  Ciidan  oo  Amaanka wax u dhimi kara  waa sida uu hadalkiisa u dhigay Wasiirku  ka bilaabay Deegaano ka tirsan Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dhaq-dhaqaa Ciidan  wuu jiraa cida bilawday-na waa Puntland, anaguna inaanu daawanno oo aanu sugno oo mar walba laga wadda-hadlo oo la yidhaahdo  maxaa idin keenay waxa ka qurux badan Milatari dhaq-dhaqaaq oo la sameeyay dhaq-dhaqaaqiisu leeyahay dhinaca kale-na wuu imanayaa. Wakhtiga ay uu markaas yimaado ee la yidhaahdo aanu si fiican u wadda hadalnana iyadu-na waa Xiligeeda”

 Gaashaandhigga

Wasiir Caddami waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas uu waxyeelo ku keenay Xasilooni uu sheegay inay u dhaxaysay Somaliland iyo Puntland ka hor inti aanu xilka qaban, waxaanu yidhi “Intuu isagu Xukunka yimid (Madaxweynaha Puntland) Hanjabaad aan jiri-jirin , Nin-ba waxbuu ku bilaabaa Ninka Nabadda jeceli-na xaga Nabad ayuu ku bilaabaa ayuu ku bilaabaa iyo maxaa u baahan in aynu ka wadda-hadalno. Ninka dhinac kale u jeedaana waxa uu ku bilaabaa Dhul baanu xorynaynaa”

 

Xukuumadda Somaliland ayaa Wakhtiyo kala duwan Hogaanka dhawaan la doortay ee Puntland ku eedeeysay inuu Faro-gelin amini ku hayo Deegaanadda Bariga.

 

Berbera News/Hargeysa.