Putin oo qalinka ku duugay Aftida Shacabka gobolka Crimea ugu codeeyeen inay ka mid noqdaan federaalka Ruushka

Mosco(Berberanews):-Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin, ayaa saxeexay sharcinnimada Aftida Shacabka gobolka Crimea ugu codeeyeen inay ka mid noqdaan federaalka Ruushka, isla markaana ay ka go’een dalka Ukraine oo ay hore uga mid ahaayeen.

_73735179_73733231

Puntin, ayaa Sharcinnimada Creamia in Ruushka si buuxda uga mid noqday, kana go’ay Ukraine qalinka ku duugay Jimcihii maanta isaga oo ay Midigta iyo Bidixda ka kala taagan yihiin labada Afhayeen ee Baarlamaanka Ruushku. Waxaana dadka reer Creamia iyo Ruushkuba bilaabeen dabbaal-degayo ay ku soo dhawaynayaan Saxeexa Madaxweyne Puntin.

_73740763_73740762 _73742203_021617206-3

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo aqalka sare ee Baarlamanka Ruushka uu cod buuxa ku ansixiyey in gobolka Crimea uu ka mid noqdo dhulka Ruushka. Aqalka hoose ee Ruushka ayaa go’aankaasi aqbaley shaley, maalmo kadib markii shacabka ku dhaqan Crimea ay u codeeyeen afti ay uga go’ayaan Ukraine uguna biirayaan Ruushka.

Madaxweyne Putin iyo hoggaamiyeyaasha Crimea ayaa heshiiskaasi saxiixay maalintii Talaadada. Isaga oo Putin, Jimcihii qalinka ku duugay dhaqan-galka Baarlamanku ku ansixiyeen in gobolkaasi Ruushka si buuxda uga mid noday, kana go’ay Ukriane.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa maanta magaalada Kiev kulan kula leh Madaxweynaha Ku-meel gaarka ee Ukraine, Oleksandr Turchynov, iyo Ku-simaha Raiisul Wasaaraha Arseniy Yatsenyuk, waxaana ay is la gorfeyn doonaan qaabka loo xalin karo mashaakilka taagan.

Maalintii Khamiista, Mr Ban waxaa uu magaalada Moscow kulan kula yeeshey Madaxweyne Putin iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei. Mr. Ban waxaa uu sheegey inuu ku booriyey hoggaamiyaha Ruushka inuu ka hortago dhibaato ka dhacda gudaha ama meel u dhow Ukraine oo dhalin karta xiisado dagaal.

Maalintii Arbacada, Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxaa uu ku dhawaaqey cunaqabaten hor leh oo ka dhan ah Ruushka. Isagoo ka hadlayey Aqalka Cad, Mr. Obama waxaa uu sheegey inuu talaabo ka qaadayo shakhsiyaad kale iyo banki la sheegey inuu gacan ka geystey duulaanka Ruushka ee gacanka ku yaala Bada Madow.

Goor siii horeysey ayaa Mareykanka waxaa uu xaddidey safarrada iyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee shakhsiyaad muhiim ah oo Ruushan ah, kuwaas oo gacan ka geystey talaabada Ruushka ee qabsashada gobolka Crimea.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegey in dalkiisa uu hakinayo tallaabo uu cunaqabateyn ugu soo rogi lahaa Mareykanka, taas oo jawaab u ah cunaqabateynta Mareykanku saarey Ruushka oo la xiriirta xasaradda ka aloosan Ukraine.