Qabsoomida Shirweynaha Xisbiga Kulmiye : hal-xidhaale taagan

Hargeysa(Berberanews.com)-Shirweynihii xisbiga KULMIYE, oo u muddaysnaa inuu furmo 22 March, oo maanta ku beegan ayaa baaqday, iyadoo aanay jirin cid ka hadashay oo xisbigaas ka tirsani.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay baaqashada shirweynaha xisbiga KULMIYE sabab u tahay khilaaf ka taagan qaybsiga ergada shirweynaha xisbiga ka soo qayb galaysa oo ay guddiga qaban qaabadu ku qaybisay nidaam beeleed, kaas oo la sheegayo inay beelaha qaarkood ku gacan saydheen.

Waxaanay guddiga qaban qaabada, guddiga fulinta iyo hoggaanka xisbigu, sida la sheegay ku hawlanyihiin xalinta khilaafyadaas. Wararku waxay sheegayaan inay xubno ka tirsan guddiga fulintu ku doodayaan in ergada shirweynaha lagu qaybsado gobal ahaan, halka ay guddiga qaban qaabadu soo jeedisay in beel ahaan lagu qaybsado.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa badhtamihii bishii January oo uu magacaabay guddigii turxaan saarka xisbiga KULMIYE, wuxuu wakhtigaas shirweynaha xisbiga u mudeeyay 22 March, halkii ay ka ahayd inuu qabsoomo 21 January. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa telefishanka HCTV, isagoo shalay la hadlayay, wuxuu taabtay mawduucan dib u dhiaca shirweynaha, wuxuu yidhi “Horta dib u dhac ma jiro,shirka wakhtigiisii waa uu taagan yahay, waxa kala daadsan ergooyinkii, waxaana laga  yaaba in arintaasi wax maalmo ku kooban ay naga qaadato, laakiin shirku sidiisii ayuu u dhacayaa hawlahiisiina waa ay dhan yihiin, waana caadi in shirka maalintii loo qabtay uu maalmo dib uga dhici karo, waa shir weyn oo culus oo gobalo badan  iyo dibadaba laga imanaayo, waanan ka xumahay in shirkaasi dhawr jeer uu dib nooga dhacay, waase la saxaayay oo shirku hadda waa uu taagan yahay.”