Xaalada magaalada Badhan oo degan ka dib markii ay Ciidamada Somaliland gudaha u galeen

Badhan(Berberanews.com)-Ciidmada Somaliland ayaa shalay waabarigii gudaha u galay magaalada badhan isla markaasina hareeraha ka degay magaalada Badhan oo ku taala bariga Sanaag, ciidamada Somaliland oo meelo kala duwan kaga soo baxay magaalada Badhan iyo deegaanada ku hareeraysan ayaa gabi ahaanba si buuxda agaasi gacanta ugu dhigay, iyada oo aan wax khasaare ahi ka dhacin goobtaasi.

Magaalada Badhan waxa hore u tagay wasiirka kaluumaysiga Somaliland, xaga wasiirka gashaandhiga oo isna islaa degaankaasi ka soo jeeda uu ayaamahii ina soo dhaafayba uu ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo ay wararka qaar sheegayaan in loo diiday in uu tago magaalada Badhan oo uu xiliyadii hore uu si caadi ah u booqan jiray, diidmadanina waxa ay salka ku haysay socdaalkii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo uu ku tagay magaalada Laasqoray.

Dadka siyaasada gobolka u dhuun daloola ayaa sheegaaya in aarintani iyo dhaqa dhaqaaqan malatari ee ay xukumadda Siilaanyo ay qaaday uu yahay dhoola tus, taasi oo ayaamahii ina soo dhaafay la hadal hayay in magaalada Badhan uu iman doono madaxweynaha maamul goboleedka Somaliya ee Puntland isaga oo ka jawaab celinaaya socdaalkii madaxweyne Siilaanyo ee ku tagay gobolka Sanaag dhankiisa bari.

Dhanka kalena waxa la sheegayaa in abaabul uu ka socdo iyo qaylo dhaani xaga dhanka Putland oo la doonaayo in ciidamada Somaliland laga saaro aaga ay qabsadeen, taasi oo hawl aad u culus ku noqon doonta maamulka Puntland oo aan awoodi karin in uu dagaal ku xaliyo dhulka Somaliland taasi oo u baahan maskax ee aan u baahnayn dhiig daata.

Degmada Badhan ayaa nabdoon wax dhibaato ahina ma jiraan, sida uu ku soo waramaayo wariyaha qarannews ee ku sugan aagaas