Ciidammada Ruushka oo xoog ku qabsaday Xarun Milateri oo ay ku sugnaayeen askarta Ukraine

BBC-(Berberanews)-Ciidamada dalka Ruushka oo wata dabaabadaha dagaalka, ayaa xoog ku galay xarun milatari oo ay ciidamada cirka ee Ukraine ku leeyihiin meel u dhow magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea.

Xarunta ayaa waxaa xilligaasi ku sugnaa ciidamo Ukraine ah oo diiday in ay isu dhiibaan Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa gawaadhi jiidhsiiyay albaabka hore ee saldhiga Belbek, waxaana kaddib la maqlay rasaas.rusia

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Ukraine ee saldhiga joogay ayaa dhaawacmay.

Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta joogay, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan saldhiga, ayna ciidamada Ukraine ee halkaasi ku sugan ay ku qasban yihiin in ay Ruushka ku biiraan ama ay saldhiga ka baxaan.

Goor sii horeysay oo shalay ahna, ciidamada Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta xarun kale oo ay ciidamada cirka Ukraine ku leeyihiin magaalada Novofedorivka, oo waqooyiga kaga beegan Sevastopol.

Safiirka Ruushka u fadhiya Midowga Yurub — Vladimir Chizhov — ayaa BBC-da u sheegay in xukuumada Moscow aysan horey u qorsheyn qabsashada Crimea. Waxaa uu sheegay in Ruushka uu ku qasbanaaday in uu tallaabo qaado kaddib markii ay ka codsadeen inta badan shacabka Crimea.

Safiirka ayaa intaa ku daray in ciidamada Ukraine ee hadda ku sugan Crimea ay u furan tahay kala doorashada dhowr fursadood oo kala ah: in ay ciidamada Ruushka ku biiraan, in ay hubka dhigaan oo shacab ahaan Crimea ugu noolaadaan, ama in ay aadaan Ukraine.

Mar wax laga waydiiyay ujeedada uu Ruushka ka leeyahay bariga Ukraine, ayuu Mr Chizhov sheegay in dowladiisu ay dooneyso difaacida qowmiyadaha Ruushka ah ee ku nool Ukraine.