LACAGTII CASHUURTA CUSTOM KA BERBERA OO XALAY KA DHAXDAY BAANKA BERBERA KADIB KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY MAAMULKA BAANKA SOMALILAND IYO WASAARADA MAALIYADA

Berbera(Berberanews) Waxaa xalay Magaalada Berbera hadal haynteedu laga dareemayey Lacagta Customka Berbera ee ka soo Xeroota Cashuurta dekadda Berbera ayaa Maalinkii Shalay aan la gaynin Laanta Baanka Berbera iyadoo Maamulka Baanka Berbera Weli Naawilayo in la keeno Lacagtaas ,ilaa haddana aan la garaneyn Sababta Ka liftay in ay u Hoyato Custom Berbera
Lacagtaas oo Cadadkeedu Badnaa Islamarkaana Maamulka Customka Berbera Xalllay oo dhan uu Heegan ku Ahaa Gaadhiga ay Lacagtu Saarnayd iyadoo Askar Faro badan Xallay ku Saamaleylshay Xarunta Customka Berbera
Lacagtan Xallay Ku dhaxday Customs Berbera ayaa Sida Ilo xogogaali Ay Sheegayaan Lagu Qiyaasay 1000,000,000 Hal Bilyan oo S/land Shilling ah Lacagtaas oo ah Markii ugu Horeysay Noqonaysa Tii ugu horeysay ee u Hoyata Baabuur Dushii ,Taas oo Ceeb ku ah Haykalka Dawladnimo iyo Maamulka Suuban
Maamulka Customs Berbera Ayaa Weli arrintaa Wax Wara kabixin iyadoo Dadka Arrimaha Dhaqaalaha Aqoonta u lihina ay Sheegayaan in ay Qayral Masuulnimo ay Tahay in Lacag Qadarkaas leeg Lagu hayo Gaadhi Dushii , Islamarkaana Aan la Gaynin Baankii loogu Talogalay
Arrinta ayaa imanaysa Xilli loogu Talogalay in la jabiyo Qiimaha Sarrifka Dollarka oo Gaadhay Halkii ugu Saraysay Tan iyo intii Xukuumada Silaanyo Xukunka Qabatay ,Taas oo Baanka Dhexe u Joojiyey In Jeeg Lagu Cashuuro Customs , Taas oo Markii hore ugu dhufan Jiray Waxa loo yaqaan (OK FUND) si loo helo Lacag Kaash ah oo ku soo Xaroota Qasnada Dawlada ,Taasina Waxay Suura Gelisay in uu Jabo Qiimaha Sarifka Dollarka ee Suuqyada Somaliland
Dhanka kale Maceesha Qawtal daruuriga ah ayaa iyana Dhawaanahan Cirka isku Shareertay , iyadoo loo aanay nayo Sarukaca Ku yimi Qiimaha Dollarka
Wixii War ah ee Arrintaa ka soo kordha Waxaanu idinku Soo Gudbindoonaa Wararkayga Dambe