“Madaxweyne haddii xisbiga cagaha loo dhigi-waayo 56-kayaga Xildhibaan ayaa noqon-doona, garab xisbiga fadhsiisya” Xildhibaan Cali-barre

Hargeysa (BerberaNews)  Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali Barre)  oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda  ugu jira Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa sheegay  in haddii uu qabsoomi waayo Shirweynaha Xisbiga oo  mar kale dib u dhacay laga Tallo galiyo Xildhibaanada Xisbiga ugu jira Baarlamaanka.

 “Waxaan u soo jeedinayaa  Hogaanka Xisbig, Guddida Fulinta iyo Guddida Qaban-qaabadda, Xildhibaanadayadda KULMIYE ugu jira Golaha  waxaanu nahay 56, haddii Hogaanka Xisbiga Guddida Qaban-qaabadda loo Qaybiyay la heshiin waayo, Shirweynihii si fiican loo qaban waayo Xisbiga cagaha loo dhigi waayo anagaa Madaxweyne Garab Xisbiga fadhiisiya oo KULMIYE hagaajiya oo Hogaanka la wareega 56-kayagaa Xildhibaan ayaa noqon-doona ha lagu bushaaraysto”

Cali barre

Xildhibaankan oo Shir Jaraa’id  Maanta ku Qabtay Xarunta Baarlamaanka ayaa Wasiirku Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Caddami ku eedeeyay inuu carqalad ku hayo Horumarin uu sheegay inay Xukuumaddu u samayn lahayd  Deegaanadda Bariga Sanaag, waxaanu yidhi “Waxa Nasiib-daro ah oo aan aad ula yaabay Nin tagi kari waayay Deegaankii uu afar Sanadood  Wasiirka u ahaa, waa Wasiirka Gaashaandhiga.  Maalin walba wuxuu ka soo noqdaa Ceerigaabo inuu Hadaftiimo gaadho ayuu kari-kari waayay, fikirkii Laasoqray Madaxweynuhu ku tagay isagu muu lahayn, wuu ka soo hor-jeeday, Madaxweyne Caddami mooyee miyaanay cid kale oo Deegaankaasi ka soo jeeda miyaan Masuuliyiin kale jirin”

 

Berbera News/Hargeysa.