Marwada Madaxweyne Geelle oo waadhha ku booqatay Wasiir Cukuse

Jabuuti(Berberanews):- Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, ayaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse ku booqatay Cusbitaalka ku yaalla magaalada Jabuuti oo Jimcihii loo qaaday, ka dib markii dhaawac ka soo gaadhay Shil Baabuur oo ku yimi Khamiistii inna dhaaftay Wefti uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayey Wasiirkuna xubin ka ahaa.

MARWO KHADRA MAXAMUUD XAYD

DHAAWACA WASIIR CUKUSEMARWO KHADRA MAXAMUUD XAYD

Marwo Khadra Maxxamuud Xayd ayaa ugu tagtay Wasiirka inay soo salaanto, Xaaladdiisa Caafimaadna ka soo war hesho. Marwada Koowaad ee Jabuuti, ayaa ugu ducaysay Wasiir Cukuse in ILLAAHAY Caafimaad deg-deg ah siiyo, isla markaana ka shaafiyo dhaawaca ku soo gaadhay hawshii Qaran ee uu ku jiray markii uu shilka galayey.

Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa Marwada uga mahad-celiyey Booqashadeeda, waxaanu sheegay inuu ku farxansan yahay sida Marwada Koowaad ee Jabuuti uga soo war heshay Xaaladdiisa Caafimaad. Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa qoraal kooban uu ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook shacbi waynaha uga Mahadceliyey Sida ay xaaladdiisa Caafimaad ula socdaan, Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa Sidan:-

“Saaxibbayaal Waad Salaamantihiin Ilaahay Ha Idinka Abaalmariyo Ducada Aad Igu Garab Istaagteen Iyo Xidhiidhkiina Joogtada Ah. Aadbaan U Fiicanahay Saaka Cid Iga Wanaagsanina Ma Jirto Hargeisa Deg Deg Ayaan Ugu Soo Laabanayaa Nasasho Yar Dabadeedna Waxan Deg Deg U Bilaabaya Shaqadaydii…” sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka la sheegay in Wasiir Cukuse bartiisa Facebook soo dhigay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa khamiistii toddobaadkii hore ku dhaawacmay Shil Baabuur, ka dib markii ay isku dhaceen Gaadhigiisa iyo Baabuurka Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo xubno ka ahaa Wefti uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hoggaaminayey oo muddo sagaal maalmood ah safar ku marayey gobollada Galbeedka iyo kuwa Bariga dalka qaarkood, shilkaas oo uu Allaah ha u naxariistee hal qof ku geeriyooday, dhawr qof oo kalena dhaawacyo sahlani ka soo gaadheen. Waxaana Cukuse dalka Jabuuti loo qaaday Jimcihii toddobaadkan.