“Olole Mar Walba Waanu Ku Jiraynaa Mid Aanu La Cabsanaynayo Maaha, Biyo Iyo Deked Baanu Ku Ololaynaynaa” Wasiirka Boosha io Isgaadhsiinta

Hargeysa (BerberaNews)  Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay Xukuumadda ahaan ay ku ololaynayaan wax kasta oo ay cod shacabka kaga  helayaan in Xukuumadda KULMIYE ay taladda ku sii hayso.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Olele mar kasta waanu ku jiraynaa mid aanu la cabsanayno maaha , haddii aanay Xukuumaddu wax-qabad ku ololayn maxaanu ku ololaynaa ma Qori baanu ku ololaynaa. Biyo, Deked iyo Waddo ayaanu ku ololaynaynaa waa wixii Xukuumadda loo igmadday  ee Madaxweynaha codka loo siiyay, markaa haddii dadka qaarkii Ololahan ka baqeen, haa olole ayaanu wad-naa”

 abgaal

Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Ninka reer Awddal ugu hadalka badnaa ee ugu dooda badnaa anigu ayuu ahaa, ilaa imikana waxbaa u qabsoomay ma lihi  Qodobaa laakiin muhiim ah oo ah in la isku fahmo haddii aan ku leeyahay waar waxbaa iga dhiman waa waxaan lahaa weeyaan”

 

Berbera News/Hargeysa.