Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo oo Hab Cusub u dejisay Burburinta Mucaaridka

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa bilowday inay isugu yeedho qaar ka mid ah masuulliyiinta xilalka u haya oo ay kala hadashay sidii loo demin lahaa mucaaridad kasta noocay doonto ka ahaatee inay gaashaan uga noqdaan, islamarkaana tallo-bixin ka sammeeyaan sida loo soo yarayn karo mucaaridka ka soo horjeeda siyaasadda dawladda.

Tan iyo intii Madaxweyne Silaanyo badi ka soo laabtay safarkii uu badi ku soo maray Xeebaha Somaliland, waxaamadaxtooyadda ka socday shirar gaar gaara oo ay xukuummaddu isugu yeedhay qaar ka mid ah masuulliyiinta u jooga gobollada qaarkood, kuwaasoo ay kala xaajootay inay gebi ahaanba tirtiraan mucaaridad kasta oo ka jirta gobollada ay masuulliyiintaasi ka soo jeedaan, iyagoo qaab qabiilaysan u gelaya, oo af, adduun iyo adinba ula tegaya cidkasta oo mucaarid ku ah xukuumadda ama lagu tuhmayo.

Warar u dhuun daloola dhinaca madaxtooyadda Somaliland oo shebekadda Berberanews.com heshay, ayaa sheegaya in shalay uu madaxtooyadda ku qabsoomay kulan dhexmaray Madaxweynaha iyo la-taliyayaashiisa iyo saddex masuul oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo iyagu bilow u ah qorshaha burburinta mucaaridka.

Saddexdan masuul oo kala ah;Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Xoor Xoor, Guddoomiyaha Guddidiga Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinra Asxaabta Qaranka Cabdirisaaq Ciyaale iyo Isu-duwaha Diinta iyo Aw-qaafta Gobolka Saaxil Sheekh Suleymaan Siciid oo isagu sannadkii u dambeeyay shidhka u galay Qasriga Madaxtooyadda.

Masuulliyintan waxay madaxtooyaddu biday inay ka tallo-bixiyaan qaabka loo soo afjari karo dadka mucaaridka ku ah xukuumadda ee Gobolka Saaxil, inay sheegaan beelaha wax ka tirsanaya xukuumadda ee u baahan in badhtilmaameedka laga dhigto iyo inay xalkeeda keenaan.

Qorshahan cusubi kuma eeka oo qudha Gobolka Saaxil, balse waa silsilad taxan oo xukuumaddu mid mid u taaban doonto Gobolkasta.

Berberanewscom

info@berberanews.com