Diyaaraddii Malaysia Airlines oo la xaqiijiyey in ay ku bur-burtey Badweynta Hindiya

Maleysia (berberanews) Xukuumadda Malaysia ayaa maanta oo Isiniin ah ku dhawaaqdey isla markaana xaqiijisey, in diyaaradii la waaayey ay shil gashey oo bur-burtey.

razak-740x510

Raysalwasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa shir saxaafadeed ka sheegay in diyaaradoodi la waayay ay ku burburtey koonfurta Badweynta Hindiya, halkaas oo laga heley waxyaabo la tuhunsan yahay in ay yihiin haraadigii diyaaradda.

Shirkad Ingriiska laga lee yahay isla markaana faah-faahisa oo kala saarta sawirada Dayax Gacameedku qaado ayaa sheegtey in diyaaraddu ku danbeysey Koonfurta Badweynta Hindiya.

Qaraabada iyo eheladii dadkii saarnaa diyaaradda Malaysia Airlines duulimaadka MH370 ayaa heley fariinta SMS oo uu u direy Raysalwasaaraha Malaysia isaga oo uga tacsiyeynaya ehaladoodi, kuwaas oo dhamaantood ku geeriyoodey shilkaas sida uu sheegay Razak Raysalwasaaraha Malaysia.

Waxaa weli ka socda Badweynta Hindiya gaar ahaan dhanka Koonfureed ee xiga Australia baadhitaaan ballaadhan oo ay ka qaybqaadanayaan dalal badan, hadda waxaa ku biirey diyaarad laga lee yahay dalka Maraykanka taas oo lagu ogaado halka uu yaalo sanduukha Madow (Black Box)ee keydiya xogta diyaaradda.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in la qabto shir saxaafadeed lagu faahfaahinayo diyaaradda mucjisada noqotey ee la la’aa muddada ka badan labada todobaad.

Diyaaradda Malaysia Airlines duulimaadka MH370 ayaa ka duushey Kuala Lumpur taariikhdu markey ahayd 8 Maarso 2014, waxaana ay ku jeedey magaalada Bakiin ee dalka Shiinaha, 239 qof ayaa saarnaa kuwaas oo mid ka badbaadey aanu jirin hadda, isla markaana ay meesha ka baxeen warar kala duwan oo ka soo baxayey xaaladda diyaaradda.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland