Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo farriin u diray Madaxweynaha Puntland

Hargeysa (Berberanews)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Putland ugu baaqay in ay nabadda ilaaliyaan, isla markaana ka feejignaadaan hurinta colaad aanay awood u lahayn, iyagoo dhinaca kalena uga digay dhibka ay kala kulmi karaan haddii ay farogeliyaan degaannada Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo magaalada Hargeysa ugu warramay maanta warbaahinta, waxa uu Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gas ugu baaqay in aannu bilaabin colaad iyo dagaal aanu maamulkiisu awood u hayn.

“Intii cid waliba odhan lahayd ayaan odhanayaa Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland. Laba dal oo walaalo ah oo daris ah baynu nahay ee aynu nabad ku wada noolaano, ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ciday doonto dal ahaan ha ku abtirsatee way kala nabadgashaa, ha noo bilaabin kuwii isku dhaca. Deegannada Madaxweynuhu soo maray waa degaanno Somaliland ah, waxaanay ila tahay dalalku kuma dhisna abtirsiimo, xuduud bay leeyihiin, taariikh hore ayey leeyihiin, annagu waxaannu kugula talinaynaa inaanay Somaliland rabaq rabaq iyo ciidammo ay dhaqaajiso u baahnayn, adna ka sii taag darid ee aynu nabadgelyo ku wada noolaano,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan, kaasoo sidoo kale tacsi u diray Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhi-jiid) oo ahaa Guddoomiyaha Shirkii Gar-adag oo si heer qaran ah loogu aasay Burco shalay.

Geesta Kale, Xildhibaan  Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo Golaha Guurtida ka tirsan, kana soo jeeda degaannada gobollada bari, ayaa Madaxweynaha Puntland uga digay inuu farageliyo degaannada Somaliland, haddii kale ciidammada qaranka lagu amri doono inay Garoowe laf ahaantiisa ka soo qabtaan, waxaannu yidhi; “Madaxweynuhu dhulkiisii buu tegay Somaliland Garooway ilaalisa, markaa haddii Cabdiwali isku dayo inuu soo farageliyo degaan Somaliland leedahay ciidammada qaranku 40 km bay u jiraan, isagoo maxbuusaannu Garoowe ka soo qaban doonaa, adduunka waxa weeyaan dawlad qabiil ah ma jirto, inankaas yare e Ogaadeen ee uu maalintii dhawayd la joogay 80 qoomiyadood buu wax la leeyahay oo qaar bilaa diin yihiin oo qaar aanay dhar gashanayn, adduunka qabiil sheeganaysa oo dawlad baannu nahay leh ma jiraan.”

Xildhibaan Indho Indho waxa uu tilmaamay in shacabka gobollada bari Somaliland ka tirsan yihiin, isla markaana mashaariicda horumarineed loo bilaabay, maamulka Putland uu mideeyo degaannada hoos yimaada.

“Annagu haddii aanu Dhulbahante iyo Warsangani nahay Somaliland baannu nahay, Ogaadeena Itoobiyuu yahay, Majeerteena Hawiyuu wax la leeyahay, waxa u dhaanta wiilkaas intuu doonayo inuu degaanno aanu shaqo ku lahayn soo farageliyo inuu  Galkacayo oo Bayruut ah oo Hawiye wada degen yihiin oo laba maamul ka taliyaan mideeyo.

Markaa waxaan leeyahay haddii aad isku daydaan inaad Somaliland soo faragelisaan maxaabiis idinkoo ah baannu Garoowe idinka soo qaban doonaa, intaannu idiin jirno waad ogtihiin, inta ciidanka qaranku idiin jiraana waad ogtihiin,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa maalmahan u dambeeyey warbaahinta isu mariaayey hadalo siyaasadeed oo ka dhashay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku tegay magaalo xeebeedka Laas-qoray.