Muuse Biixi oo ka hadlay doorashooyinka soo socda iyo tabaha ururka Al-shabaab isticmaalaan marka laga xoog weynaado

Hargeysa-(Berberanews)- Shirweynaha 3aad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE oo muddaysnaa inuu qabsoomo Sabtidii shalay ee 22 March 2014, ayaa dib ugu dhacay muddo kale oo aan ilaa hadda la cayimin, balse Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shirkaasi u qabsoomi doono sidii loogu talogalay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xusay in maalmaha soo socda ergooyinka shirweynaha ka qaybgalaa soo gebagaboobi doonaan, isagoo tilmaamay inuu aad uga xun yahay dib-u-dhacyadii ku yimi shirweynaha xisbigiisa.


“Wax dib-u-dhac la yidhaa ma jiro. Waxa gebagebo ku dhow ergooyinkii. Haddii Ilaahay yidhaahdo maalmaha soo socda ayey soo dhammaanayaan, waana wax iska caadi ah in shirweyneyaasha noocaas ah maalmo dib u dhacaan, waana shirweyne gobollada dalka iyo dibaddaba laga imanayo, aadna waan uga xumahay dib-u-dhacyadaa hore ee shirka xisbiga KULMIYE, imminkase waa la qabanaayaa shirkii xisbiga,” ayuu yidhi Md. Biixi oo waraysi siiyey shalay telefishanka HCTV.

Waxa kale oo uu sheegay in xisbigoodu diyaar u yahay in doorashooyinka soo socdaa ku qabsoomaan muddada loogu talogalay, isagoo rajo fiican ka muujiyey in KULMIYE markale ku guulaysto talada dalka, waxaannu yidhi; “Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay diyaar u yihiin in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, wax cabsi ah oo naga hayaana ma jirto, marka aan sidaa ku leeyahayna ma aha macnaheedu annagu xukuumad baannu nahay oo dadka ayaannu jiidh-jiidhaynaa ee waxa weeye annagu waxaannu nahay xisbi weyn oo jiray 12 sanno, shacbigana kalsooni weyn ayaannu ku qabnaa. Shacbigayaga kii shalay na doortay iyo kuwa ku soo biirayba waxaannu qabnaa in aannu qancin doonno. Waxaannu nahay dad doorashada yaqaan, wax dhulka naga yaallaana ma jiraan. Diyaar baannu u nahay doorashada.”

Sidoo kale, Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay dagaallada ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya kula jiraan dagaalyahannada Al-shabaab, waxaannu dalka Jabuuti ka tacsiyadeeyey khasaare ciidankooda ka soo gaadhay weerar toddobaadkii hore Al-shabaab ku qaadday magaalada Buullo Burde ee badhtamaha Soomaaliya Hiiraan, halkaasoo lagu dilay askar ka tirsan ciidammada AMISOM oo kuwa Jabuurti ku jiraan.

“Weli ma haynno meel lagu naafeeyay Al-shabaab iyo hubkoodii iyo guutooyinkoodii, waxaanay isticmaalayaan markay arkaan in ciidan iyo hub badan ku soo socdaan ay hubkoodii qariyaan, ciidammadana dharka ka beddelayaan, waxana suurtogal ah in kolba meeshii culays laga saaro ay ka tagaan. Guud ahaan Geeska Afrika waxaanu Ilaahay uga baryayaa in nabadgelyo ku soo celiyo. Waxaannu tacsi u diraynaa dadka dagaalladaa ku dhintay ee ay ka mid yihiin ciidammada walaalaheenna reer Jibuuti. Xukuumaddeenna iyo guud ahaan shacbiga Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay ka digtoonaadaan khataraha kooxdaas,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.