Masar oo lagu maxkamadaynayo 700 oo qof

BBC-Masar waxaa ka billaabatay maxkamadaynta 700 oo ruux oo ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiinta.

Waxa loo haystaa inay sanadki hore sameeyeen dibadbaxyo rabshado watay.

Dadkaas la adeeyay waxaa ka mid ah Madaxii dhaqdhaqaaqaasi Maxamad Badiici.

Mas’uuliyiinta Masar waxaay sheegeen in uusan maxkamadda ka soo muuqanayn Badiic sababo amaanka la xiriira awgood.

Xukun dil ah

Eedaysanayaasha badankooda waxaa la maxkamadaynayaa iyagoo ka maqan maxkamadda.

Lixdan qof oo kaliye ayaa maxkamadda ka soo muuqday.

Maalin ka hor ayay isla maxkamadan xukun dil ah ku riday 529 ruux oo taageerayaal u ah Ikhwaanul Muslimiinka.

MasarDowladda uu taageero militeriga ayaa olole ku qaadday Ikhwaanul Muslimiinka

Xukunkaas maxkamadda si weyn ayaa loo cambaareeyay, iyadoo maxkamadda go’aan gaartay labo fadhi oo kaliye kaddib.

Mas’uuliyinta Masar ayaa olole ku qaaday ururka Ikhwaanul Muslimiinka tan iyo markii militerigu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi.

Kumanaan kun oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinka ayaa la xiray iyadoo boqolaal kalena la dilay.