Shirweynaha Nukliyerka oo lagaga hadlay halista Argagaxisada oo gacanta ku dhiga hubka Nukliyerka

Holand (berberanews) Shirweynaha looga hadlayo Amaanka hubka Nukliyerka oo shalay ka furmay magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa lagu sheegay in haraadiga Nukliyerka iyo hubka Nukliyerka uu gacanta u geli karo kooxaha argagaxisada.

shirweynahaNukliyerka

Shirweynahan oo taladiisu lahaa Madaxweynaha Barack Obama oo sanadkii 2010 bilaabay olole lagu xakameenayo hubka Nukliyerka ayaa waxa diirada lagu saaray in caalamka iska kaashado la dagaalanka kooxaha ka ganacsada hubka nukliyerka ee laga xaday wadamo kamid ah Sofiyeetkii sanadihii sagaashameeyaha.

Qodobada sidoo kale looga hadlay ayaa waxaa kamid ah sida laga yeelayo hubka Nukliyeerka ee gacanta ugu jira wadamada qaarkood, isla markaana sida looga faa’iideysan karo awooda Nukliyeerka dhanka horumarinta tamarta adduunka.

Shacabka oo ka cawday Shirka

Amniga magaalada The Hague oo uu shirkan ka socdo ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo ciidamo ka badan 20 kun oo askari lasoo dhigay magaalada xarunta u ah dowlada Holland.

Waxaa magaalada ka dhacay banaanbaxyo ay qabteen kooxo kasoo horjeeda isticmaalka nukliyeerka balse banaanbaxyadaasi oo lagu beegay kahor furitaankii shirka ayaan wax saameyn ah ku yeelan goobta shirka ka socda oo si weyn loo xiray.

shirweynahaNukliyerka250314-1Shacabka ku dhaqan magaalada The Hague ayaa qaarkood ka cawday ciidamada badan oo isugu jira militariga, booliiska iyo kuwa illaalada diblumaasiyiinta ee xaafadaha ku dhaw dhaw goobta shirka la soo dhoobay, iyadoo qaar kamid ah dadka ku dhaqan nawaaxiga goobta shirka ka socda ee World Forum The Hague lagu khasbay inay marka ay guryahooda kasoo baxayaan ama galayaan ay maraan baaritaan iyagoo wata baasabooradooda ama aqoonsiga.

Hawada iyo Bada magaalada The Hague ayaa laga xiray dhamaan diyaaradaha iyo maraakiibta inay kusoo dhawaadaan iyadoo ay illaalo ka hayaan diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka.

Maalinimadii shalay ayey diyaaradaha dagaalka ee dowlada Holland hawada dalkaasi ka saaray diyaarad laga leeyahay dalka Maraykanka oo ah nooca xamuulka qaada oo dooneysay inay kusoo degto Airporka Amsterdam, taasi oo la sheegay inaysan u heysan fasax, diyaaradaasi oo markii danbe ku degtay Airporka Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland