500 qof oo lagu qabtay hawlgalo ka socda Nairobi

Nayrobi (berberanews) Ciidamada Amaanka ee dalka Kenya ayaa xalay iyo saaka hawlgalo balaaran ka wada xaafada ay Soomaalida ku nool yihiin ee Islii (Eastleagh) ee magaalada Nairobi.

BensonKibue

Wararka hada soo baxaya ayaa sheegay in guryihii baaritaanada lagu sameeyey qaar kamid ah laga helay hub kala gedisan.

Booliiska Kenya ayaa la sheegay inay xireen dad gaaraya 500 qof, hawlgalada oo kusoo beegmaya labo maalin kadib markii kooxo hubeysan ay weerareen kaniisad ku taal bariga dalkaani Kenya.

Weerarkaasi ayaa sidoo kale loo qabtay dad gaaraya 109 qof sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha gudaha.

Ciidamo gaaraya 500 askari oo dheeraad ah ayaa la keenay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa si ay uga qeyb qaataan ololaha ay wadaan ciidamada Booliiska sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Nairobi Benson Kibue.

Dowlada Kenya ayaa sidoo kale amar kusoo rogtay dhamaan Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya inay dhamaantood dib ugu noqdaan xeryaha Qaxootiga ee Kakuma iyo Dhadhaab.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Office/Somaliland