Ciidamo Ka Socda Sierra Leone Ee AMISOM Oo Lagu Qarxiyay Magaalo Xeebeedka Kismaayo

Somalia (berberanews) Ciidamo ka tirsan AMISOM isla markaana ka socda dalka Siiraliyoon ayaa qarax lagula beegtey magaalada Kismaayo.

kismayoKenyati1

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay in uu khasaare gaarsiiyey ciidamada, sida ay noo sheegeen goob-joogayaal aan la xiriirnay, lamase oga khasaaraha rasmiga ah.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay aaga qaraxu ka dhacay, waxaana goobta ka cararay dadkii, wararku waxay sheegayaan in ciidamadu ay baaritaano ka bilaabeen xaafada Dalcadda.

Ganacsiga Aaga qaraxu ka dhacay ayaa weli xidhan.

Magaalada kismaayo waxay deris la noqotay falal amniga ka dhan ah toddobaadyadii dambe, waxaana inta badan lagu eedeeyaa kooxda al-shabaab ee Soomaaliya oo ka soo horjeeda maamulka Jubba iyo dowladda dhexe.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Office/ Somaliland