“Edayntaas la sheegay inuu Madaxweynaha Puntland ka qoray Somaliland waxba kama jiraan,.”Wasiir Biixi

Hargeysa(Berberanews):-Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedayn la sheegay in Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland u jeediyey Somaliland oo la sheegay inuu Hay’adaha caalamiga ah iyo dawladaha adduunka u gudbiyey qoraal uu ku sheegay inay Somaliland xidhiidh la leedahay Argagixisada Al-Shabaab.

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin eedaynta uu xambaarsan yahay qoraalka la sheegay in Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), isla markaana uu yahay mid been ah oo aanay waxba ka jirin. “Edayntaas la sheegay inuu Madaxweynaha Puntland ka qoray Somaliland waxba kama jiraan, caalamkuna wuu og yahay dagaalka ay Somaliland kula jirto argagixisada caalamiga ah iyo Budhcad-badeedda-ba.” sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicols key.

“Horta, ma jiraan wax colaad ah oo u dhaxaysa Somaliland iyo Qaramada midoobay, Nicols Key waa ninka u qaabilsan Soomaaliya Xoghayaha guud xidhiidhkayagu ma xuma waxaana laga yaabaa inaanu dhakhso isku aragno, waxaana ka hooseeya nin  la yidhaa Philip,kaas oo ay hoos yimaadeen wax kasta oo mashaariic horu mar ah.” sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

waxaanu Wasiir Biixi intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Sidaas darteedna, inaannu xidhiidh la yeelannaa waa lagama maarmaan, waxaana  hoos yimaadda hay’ado badan oo la xidhiidha dhinaca Bina’Aadaminnimada, horumarinta iyo hay’ado adeegyo kale qabta xagaasna waannu ka wadahadli karnaa. Laakiin, dhinaca siyaasadda xidhiidh nooga dhaxeeyaa ma jiro.”

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi mar uu ka hadlayey arrimaha nabadgelyada, waxa uu yidhi; “Gobolkan Geeska Afrika nabaddiisu way  na khusaysaa waayo waa gobol aanu ka mid nahay waxaanan qabnaa inay Somaliland tahay waddan dhinaca nabadgalyada  si weyn u gala shaqeeya Ethiopia ama Djabouti aad uga ilaalinaya inaanay ciddina soo dhexgelin.”

Waxaanu intaa sii raaciyey oo uu yidhi Wasiirku; “Somaliland-na xoogga ayey saartay dhinaca nabadgalyadeeda iyo xaga sirdoonka, waanan jecel-nahay in gobolku nabad ahaado, waanan ka xunahay waxyaalaha Xamar ka dhacaya waayo ma jeclin in ciddi meel ku dhimato ama Soomaali ha ahaato ama Afrikaanka kale. Laakiin anaga waxa muhiin noo ah inaanu dalkayaga Somaliland nabad galyadiisa, gooni isku taagiisa iyo xasiloonidiisa  ay tahay masuuliyada ugu weyn ee reer Somaliland saaran.”