Madaxweynaha oo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe ku Amray inay Khilaafkooda Xalliyaan

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyey in Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe soo afjaraan khilaafka u dhexeeyey muddooyinkan oo sababay in hakad ku yimaad wada shaqayntooda maalmihii u dambeeyey toddobaadkan.

Sida ilo-wareedyo xogogaal ah u xaqiijiyeen shalay Jamhuuriya, Madaxweynaha ayaa kulan uu masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe kula yeeshay xarunta Madaxtooyada habeenkii Salaasadu soo galaysay, waxa uu si adag ugu canaantay madaxda labada hay’adood khilaafkan, isagoo ku amray inay si degdeg ah u soo celiyaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa ee ay ummadda u hayaan, isla markaana wixii isfahamwaa shaqo ah xallistaan, balse Wasiirka Maaliyadda ayaa dafiray in wax khilaaf ah u dhexeeyo wasaaraddiisa iyo masuuliyiinta Baanka Dhexe.

wasiirka-maaliyadda

Khilaafkan oo saamayn ku yeeshay wada-shaqayntii labada hay’adood ee dawladda oo la sheegay inuu salka ku hayey ismaandhaaf ka dhashay lacag dayn ah oo la weriyey inuu baanku ku lahaa wasaaradda iyo tallaabada lagu xallinayo qiimo-jabka shillinka Somaliland ka soo gaadhay sarrifka doollarka maalmihii u dambeeyey, ayaa xal-u-heliddiisu timi kadib markii uu gaadhay Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn uga cadhooday arrintaas.

Haseyeeshee, Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa dafiray jiritaanka khilaaf dibadda u soo baxay oo u dhexeeyey wasaaraddiisa iyo Baanka Dhexe, kaas oo sababay in aan muddo saddex maalmood ah lacagihii cashuuraha kastamada lagu shubin Baanka, laakiin markii dambe la xalliyey. waxaannu ku dooday in aanay jirin wax lacag ah oo wasaaraddiisu diiday inay ku xarayso bangiga.

“Bangiga Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyaddu waa isku shaqo oo shaqo isku mid ah ayey qaranka u hayaan, waana laba hay’adood oo qaranka u qaabilsan arrimaha maaliyadda. Wada-shaqayn wanaagsan baa ka dhexaysa Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda. Haba yaraatee maalin maalmaha ka mid ah oo Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu wax isla diideen ma jirto. Meesha shaqo taal culays iyo duruuf baa taal, laakiin haba yaraatee wax is-fahmi-waa ah oo Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda ka dhexeeyaa ma jiro.

Waxaan maqlayey maalmo dhawayd oo la lahaa Wasaaradda Maaliyaddu lacagtii bangiga lagu xarayn lahaa ayey diidday. Waxba kama jiraan. Lacagtaasi bangiga ayey ku xarootay. Wasaaradda Maaliyaddu markay lacagta qabato saacadda ay doonto ayey bangiga u geysaa,” ayuu yidhi Md. Samaale.

Waxa kaloo uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangigu ka wada socdeen la-dagaallanka kor-u-kaca sarrifka doollarka, waxaannu yidhi; “La-dagaallanka sicir-bararka oo Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangigu ka wada socdeen sidii ay hoos ugu soo celin lahaayeen lacagtaas kor u kacday, oo way ka wada shaqaynayeen sidii sarrifka lacagta doollarka hoos uu ugu dhici lahaa, waanu ku guulaysanay oo uu hoos buu u soo noqday, waanuna rajaynaynaa inuu hoos u sii socdo. Xilka la-dagaallanka sicir-bararka waxa si gaar ah u leh Bangiga, laakiin tallaabooyin ay ku wada socdaan ayey qaadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangigu sidii loo xakamayn lahaa kor-u-kaca sarrifka doollarka. Waxa ka mid ahaa tallaabooyinkaasi in cashuurta lagu bixinaayo goobaha kastamada, haddii aannu qofku jeeg xisaabeed la tagin uu kaash u geeyo, kaashkaas oo aannu u arkaynay siyaasad lagula dagaallami karo sarrifka.”

Khilaafka Wasiirka Maaliyaddu dafiray, ayaa la sheegay inuu gaadhay xafiiska madaxweynaha Somaliland, isla markaana Madaxweynaha Somaliland amar ku siiyey Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Wasiir Samaale inay si degdeg ah xal uga gaadhaan qoddobadda la isku khilaafay, maadaama ay shaqo muhiim ah u hayaan qaranka.

Sources, Jamhuuriya