Masar: Dil Lagu Xukumay 529 Xubnood oo Akhwaanu Muslimiin ka Tirsan iyo 682 Kaloo la Dacwaynayo Maanta

Qahira(Berberanews)- Maxkamad ku taal dalka Masar, ayaa dil ku xukuntay shalay 529 qof oo ka tirsan Ururka Akhwaanu Muslimiinka, kuwaasoo lagu eedeeyey inay qayb ka qaateen rabshado ka dhacay wadanka Masar iyo dilal loo gaystay ciidammada booliska waddankaas.

Qaar ka mid ah qareennada u dooda maxaabiista ururka Ikhwaanul Muslim, ayaa saxaafadda u xaqiijiyey shalay in go’aanka dilka ah ee lagu xukumay 529 xubnood ee muslimiinta ah, iyadoo xoriyadooda loo celiyey 16 qof oo la sii daayey, kadib markii wax dambi ah maxkamaddu ku weyday.

“Maxkamaddu waxay go’aamisay inay dil ku xukunto 529 eedaysanayaal, halka ay 16 qofna sii daysay.” Sidaa waxa yidhi qareen Axmed Al Sharif oo u waramay wakaalada Reuters, isagoo sheegay inay sharci tahay in racfaan laga qaato xukunkaas dilka ah ee laga soo saaray xubnaha aadka u badan ee ka tirsan Ikhwaanka Masarka.

Dadkan waxay qayb ka ahaayeen 545 qof oo lagu eedeeyey inay dil u geysteen saraakiil bilays ah, dhiirigeliyeen in dilal la fuliyo, dhagaxaan la dhaceen bilays, weerareena dad kale, isla markaana dhaawac soo gaadhsiiyeen hanta dawladeed iyo mid gaar ah oo shakhsiyaad leeyihiin.