Ogeysiis muhiim ah oo ku socda Guddiyada waddada Sanaag – Togdheer ee UK

Asalaamu Caleykum,

 Waxan halkan salaan u marinayaa dhammaan Guddiyada waddada isku xidhaysa gobollada Sanaag iyo Togdheer oo runtii waqti, maal iyo maskaxba u huray dalkeenna qaaliga ah.

 Waxanu halkan ku ogeysiinaynaa Guddiyada dhaqaale ururinta waddada Ceerigaabo ee Magaalooyinka UK laga dhisay inay ka soo qayb galaan kulan ah is xog-waraysi isla markaana lagaga arrinsanayo qabanqaabada munasabadda 18 May oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud uu Amray in sannadkan lagu sunto Diismaha waddada habowlaha ah ee isku xidha gobollada Sanaag iyo Togdheer.

 Kulanku wuxu ku qabsoomayaa Sabtida 05/04/2014 xarunta West London Somaliland Community oo cinwaakeedu yahay:

West London Somaliland Community

80 East Avenue,

Hayes,

UB3 2HR

 

Waqtigu waa 2:00 – 6:00pm.