Sheekh Maxamed Sheekh Cumar-Dirir oo muxaadiro qiime badan u jeediyay ardayda jaamacadda Admas

Hargeysa-(Berberanews)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar-Dirir ayaa muxaadaro qiimo badan oo ciiwaankeedu ahaa waajibaadka ardayga wax baranaya ka jeediyey Jaamacadda Admas University College qaybteeda Hargeysa.

munaasibada muxaadaradaasi oo si wayn looga soo shaqeeyey waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jaamacadda Admas,Labadiisa ku xigeen ee Maamula  iyo academiga Xuseen Cabdillaahi Maxamuud iyo Axmed Naasir Xaaji,Madaxa Kulliyadda suga ah ee laga daba dhacay ee Social work Professor Mukhtaar Caabi ,macamlimiinta,iyo shaqaalaha kale ee Jaamacadda iyada oo ay madashaasi xaadir ku sii ahaayeen casarkii horaba kumanaan arday oo ay wajiyadooda ka muuqanaysay inay ka dhaansadaan nimcada iyo culuumta diiniga ah ee uu Sheekhu madashaasi ka jeedinayey oo safka kuraasta hore tartan ugu jiray si uu arday waliba u ahaado kan ugu horeeya ee safka hore ka daawanaya muxaadada Sheeku ujeedinayo.

 

furitaankii munaasibadda mxaaradaasi waxaa ka hadlau Gudoomiyaha Jaamacadda Admas Professor Ixsaan Cumar Ismaaciil waxaanu si kal iyo lab ah u soo dhaweeyey Caalimka martida ku ahaa madashaasi Sheekh Dirir waxaanu Gudoomiyuhu sheegay inay Jaamacadda Admas iyo dhamaan bahda Admas oo dhan farxad weyn u tahay  inuu Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir Jaamacadda Admas ka jeediyo muxaadaradaasi.

“annaga ka jaamacad ahaan waxaa farxad weyn noo ah inuu Sheekheena way nee caalimka ahi caawa marti inoogu yahay Admas si uu inoogu faah-faahiyo muxaadarada ciiwaankeedu yahay waajibaadka qofka daalibka ah ee wax baranaya” ayuu yidhi Gudoomiye Ixsaan Cumar Ismaaciil.

Saleeb oo isku dheerarinaya Kursigiis Sheekha loogu talo galay kahor intii aanay muxaadaradu bilaabmin.Muxaadaradaasi qiyamka ah ee uu Sheekhu halkaa ka jeediyey waxa uu sharaxaad dheer kaga bixiyey dhismaha jidhka Bani-aadamku inaanu ahayn cayilaanta iyo inay xoolobadani ka muuqdaan balse waxa uu sheegay  inuu muuqalka dhabta ahi yahay inuu qofku ka dhisan yahay xagga qalibiga iyo cibaadaadka Ilaahay SWTC.

“Markaynu dhisayno quluubteena waa inaynaan indhaheenu xaga danbe uun eegine aan xagga hore eegnaa” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir isaga oo halkaa Sheekhu ka tiriyey qodobo farabadan oo sida malabka uga dha-dhamayey qaliga dhageysta yaashii Admas ee muxaadaradaasi.

“ha odhanin kuwii horeba way ku fashilmeen waalagu daalay oo waxba waa laga qabankarimaaynee inaga daaya ee waa inaad qaadataa tafaa’ulka[saadaasha] wanaagsan ee muujinaya inaad wax qabankarto” ayuu yidhi Sheekhu Ilaahay Raali ha –ka ahaadee.

“si ay shakhsiyaddaadu u hagaagto haku noqnoqonin khala-daadkaagii hore ee waa inaad iska eegtaa halkii aad ku fashilantay  waana   inaad uga wareegtaa dhinackale oo aad waxka qaban qarto hana niyadjabin” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Sheekhu waxa uu ka hadlay dhanka kasloonida laga rabo inuu qofku lahaado si uu naftiisa ugu kalsoonaado waxaanu Sheekhu taa ku macneeyey hadii ay qofka marka horaba kamqan tahay kalsoonida iyo dadanimada naftiisa ahi inaanu waxba meeldheer gaadhsiinkarin si taa looga fogaadana waxa uu Sheekhu ku taliyey inuu shakhsigaasi markahore iska soo dhiso xagga akhlaaqda isaga oo waxbalba ka horeysiinaya camalka suuban iyo ku xidhnaanshaha Ilaahay SWTC “ardayga wax baranaya waxaa laga rabaa inuu marka hore ku xidhan yahay Ilaahaysii abuuray kadibna waxaa u hagaagaya camalkiisa oo ay waxbarashadiisu ugu horeyso” ayuu yidhi.

Gabaga-gabadii mxuaadaradaasi Sheekhu waxa uu hadalkiisa ku soo afmeeray  talooyin muhiim ah oo uu-u jeediyey Kumanaankii Bahda Admas University College waxaana kamid ahaa talooyinkaasi inay guud ahaanba dadka muslimiinta ahi gaar ahaana bahda Admas ku sifoobaan dhaqanka suuban oo saldhigiisu yahay inay Ilaahay ku xidhnaadaan markastaba “waxaan ku soo gaba-gabaynayaa inaad Ilaahay ku xidhnaataan oo aad markastaba isku daydaan sidii aad Ilaahay ugu baqi- lahaydeen” ayuu yidhi Sheekh Dirir Ilaahay Raali-haka ahaadee.

Intaa ka dib waxay ardaydu Sheekh waydiiyeen su’aalo la xidhiidha mawduucaasi qiimaha badan ee uu ka hadlay waxaana kamid ahaa waxyaabihii la waydiiyey “Sheekh bal waxaad ka warantaa hadii aan xiliga imtixaanaadka Jaamacadda lagu jiro ardayga iwaydiiya su’aal aan garanayo ku idhaado garan maayo aniga oo ilaalinaya sharciga jaamacadda u yaalla miyaan ku dambaabayaa beentaa aan sheegay mise dambi igamasaara?

Waxaanu Sheekhu ku jawaabay “haa waa dambi hadii aad adiga oo garanaya tidaado garanmaayo ee waa inaad tidhaadaa walaal waan garanayaa balse sharcigu ma ogala kuuna sheegimaayo ee iga raali ahaw”

“Iimaanka waxaa Buriya waxyaaba buriya Islaamka oo qawlka,ficilka iyo qof-khaldan oo aad taageertay baad ku gaaloobi kartaa oo Iimaankaagii ku burayaa ee aad isaga ilaaliya” ayuu yidhi Sheekhu isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd maxaa burin kara Iimaanka.

“Salaadu markay gaadho ee la adimo maamulka Jaamacadda iyo ardayda oo dhami waa inay salaadda u wadakacaan iyada oo ay raguna meel ku wada tukanayaan si jamaaci ah dumarkuna ay meel ku wada tukanayaan waayo salaadu ku safaad malaha” ayuu yidhi.

“Sheekh bal waxaad ka warrantaa dadka odhanaya Ragga iyo dumarku way simanyihiin ee xagga gaalada kasoo qaadaya wararka noocaas ah”ayaa la waydiiyey waxaanu ku jawaabay “midwaliba xuquuq dheeraadah buu   leeyayay oo hooyadu 3 bay dheertahay Aabaha isagu miyaanu bani aadam ahayn oo aanu dhalin il,ihiisa? Ayuu yidhi Sheekh Dirir.

“Gabadha ilaa uu kala wareegayo ninka guursaday waxaa lagu leeyahay masaariifteeda iyo arrad bexeedaba Aabihii dhalay ee laguma laha walaalkeed hadii uu noolyahay miyaanay taasina wax dheeraad ah ahayn? “xaalado waxaajira ay dumarka uuni wax helayaan dhaxalka oo uu walaalkeed oo ay xagga aabo walaalaha ka ahaayeen uu qadayo waar maanay taasina warcad uu Ilaahay dumarka siiyey ahayn? Ayuu yidhi Sheekh Dirir oo ku harqinayey cilmigiisa badda ah ee uu Ilaahay baray bahda Admas University oo nasiib u helay inay ka sharaabaan Cilmiga Sheekh Dirir kaas oo ku hirgalay garashada maamulka toosan ee Admas oo gartay inay ardaydu u baahan yihiin in laga dhiso xagga akh-laaqda suuban oo ah halka ay ka siraadan karayaan ardayda Jaamacadda Admas toosha quluubta.