Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo Jawaab Adag ka bixiyey Weedho ka soo Yeedhay Maamul Goboleedka puntland

Hargeysa (berberanews) wasiirkuxigeenka arrimaha gudaha ee somaliland md Cisman Garaad Soofe ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay maamulgoboleedka puntland oo ku saabsan in Somaliland xidhiidh la leedahay Al-Shabaab Wasiirku wuxu hadalkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raadtoona lahay Somaliland aanay wax xidhiidh ah la lahay alshabaab oo wali ay Somaliland la dagaalanto kooxahaasi.

 Garaard soofe

dhanka kale Wasiirku xigeenka Amniga Somaliland wuxuu sheegay in ay Dacwad u gudbin doonaan Somaliya Taasi oo ka dhan ah Puntland oo ah maamul Goboleed ka tirsan Somaliya Maadaama oo ay Somaliya iyo Somaliland Wado hadalo u socdaan, taasi oo uu sheegay hadii ay somaliya ka qaban waydo Faro Galinta ay Puntland ku hayso Goboladada bariga Somaliland ay talaabo ka qaadi doonto Somaliland.