Dagaalada Dalka Nigeria oo La Sheegay Inay Saameeyeen Malaayiin Rayid ah

Nigeria (berberanews) In ka badan 3 milyan oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa inay wajahayaan dhibaatooyin nololeed iyo gargaar la,aan kuwaasi oo ku sugan  inta badan sadexda gobol ee waqooyiga bari ee dalkaasi sida ay dowladda dalkaasi sheegtay.

download (16)

Dagaalada dowladda iyo Boko Haram U dhaxeeya ayaa la sheegayaa inay ku barakaceen in ka badan 250,000 oo ruux tan iyo bilowgii January ee sanadkan sida ay dowladdu sheegtay.

Madaxwaynaha dalka  Nigeria Goodluck Jonathan ayaa horay ugu dhawaaqay xaalad deg deg ah oo uu ku soo rogay bishii May ee sanadkii hore sadexdaasi gobol ee haatan dhibaatada laga sheegayo , si meesha loogaga saaro Boko Haram.

Si kastaba dagaal yahanka islaamiga ah ee Boko Haram ayaa iyaguna dhankooda laba jibaaray weerarada ay u gaysanayaan ciidamada dowladda iyo taagerayaashooda bilooyinkii ugu danbeeyay.

Boko Haram ayaa ku xoogan gobolada Borno , Yobe iyo Adamawa iyadoo sadexdaasi gobol ay yihiin kuwii ay dowladda  Madaxwayne Jonathan uu ay ku soo rogtay xaalada bandowga ah.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland