Hargeysa: Dhegaysiga Dacwadda Eedaysanayaasha Dilka Haweenaydii Godka lagu Riday oo si Rasmi ah u Bilaabantay

Hargeysa-(Berberanews)-Dacwad lagu soo oogay eedaysanayaasha loo haysto inay gaysteen dilkii foosha xumaa ee lagu fuliyey Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo dhawaan maydkeeda laga helay god laga hor-qoday guri ku yaal bariga magaalada Hargeysa, kadib markii muddo toddobaad ah la raadinayey, ayaa si rasmi ah uga bilaabantay maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Fadhigii u horreeyey oo maxkamaddu ku bilowday kiiskan shalay, ayaa lagu dhegaystay dacwad Xeer-ilaalinta gobolku ku soo oogtay 8 eedaysane oo u xidhan dilka Ruqiya, kuwaas oo isugu jira xubno boolisku qabqabteen markii maydka marxuumadda la helay iyo kuwo kale oo la soo qabtay kadib markii baadhista hay’adaha amnigu gashay.

Fadhiga maxkamadda oo ahaa mid xasaasi ah oo aan warbaahinta loo oggolayn, waxa lagu dhegaystay marag-furrada labadii markhaati ee u horreeyey oo ahaa baadhayaasha Booliska ee kiiskan, kuwaas oo faahfaahiyey caddaymaha iyo xogaha uga soo baxay falka lagu khaarajiyey haweenaydaasi.

Dhegaysiga dacwaddan oo socotay muddo ilaa afar saacadood ah, waxa markii la soo gunnaanaday fadhiga halkaasi si degdeg ah ay ciidammo booliska sida gaar ah u tababarani uga qaadeen xubnaha eedaysanayaasha ah oo ay dib ugu celiyeen jeelasha ay ku xidhan yihiin.

Dadweynaha Somaliland, gaar ahaan kuwa Hargeysa ku dhaqan ayaa si wayn ugu dheg-taagaya dhegaysiga dacwadda eedaysanayaasha loo haysto dilkii foosha xumaa ee loo geystay marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, kaasoo anfariir iyo naxdin noqday maqalkiisu, isla markaana weli hadal-hayntiisu ka dhex socoto bulshada.