Heshiis taariikhi ah oo lagu kala saxiixdey dalka Filibiin

Filibiin(berberanews)Kooxda u weyn mucaaradka hubeysan dalka Filibiin ayaa heshiis taarikhi ah la saxiixdey Xukuumadda dalka Filibiin. Heshiiskan ayaa soo afjaraya iska horimaadyadii ugu dheeraa oo ugu dhimashada badnaa Qaaradda Aasiya.

filipiin-348x180

Kooxda Muslimiinta ah ee la yiraahdo Moro Islamic Liberation Front (MILF) ayaa muddo 45 sano ah u dagaalamayey in ay helaan is-maamul madaxbanaan Koonfurta Filibiin, waxaana dagaaladii ay la galeen Ciidamada Dowladda ku dhintey dad gaaraya 120 000 kun oo qof.

Sida uu dhigaayo heshiiska la kala saxiixday, Muslimiinta ku nool koonfurta Filibiin ayaa yeelanaya is-maamul madaxbanaan (Autonomous). Gobolka ayaa yeelanaya Baarlamaan u gooniya iyo Boolis. Fallaagada ayaa dhankooda laga doonayaa in ay xaliyaan malayshiyaadka hubka u sida, hubkana ka dhigaan oo ay ka mid noqdaan bulshada.

Xafladda lagu saxiixey heshiiskan waxaa ka soo qaybgalay dad kor u dhaafaya 1000 qof, waxaana ka soo shaqeeyey dalka Malaysiya.

Inta badan dadka Filibiin ayaa haysta diinta Kaatooliga, qiyaastii 10% ayaa ah Muslimiin kuwaas oo badankood ku noolyihiin Koonfurta Filibiin.

Khilaafka iyo dagaalada ayaa sababey in Koonfurta Filibiin ay dib uga dhacdo dalka intiisa kale, waxaana aad ugu badan fakhriga iyo shaqo la’aanta, in badan oo ka mid ahaa dadkii deganaa waxaa dantu ku khasabtey in ay isaga cararaan halkaas. Sidoo kale dalka Filibiin ayaa ka mid ah dhulalaka u nugul aafooyinka, sida fatahaadaha iyo dhulgariirada.

Kooxda kale ee mayalka adag ee la yiraahdo Abu Sayyaf ee ka dhisan Filibiin, heshiiksan qayb kama aha, waxaana la sheegaa in kooxdaani xiriir la leedahay Shabakada al-Qaacida.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland