Wariyaha Ruug Cadaadiga ah Ee BBC.Mark Doyle Oo Warbixin Ka Diyaariyay Dagaaladii Al-Shabaab Lagaga Saaray Dagmada Qoryooley.Daawo

Qoryooley(berberanews)Weriyaha BBC-da u qaabilsan Horumarinta Caalamiga, Mark Doyle oo ciidanka Midowga Afrika ee qabsaday magaalada Qoryooley ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay ku lug leeyihiin howlgalka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mark-Doyle-

Mark Doyle ayaa hawl galkaa ciidamadda nabadilaalinta u jooga soomaalia Ee AMISOM.

Wuxuu sheegay inuu Mareykanka u soo diray Soomaaliya diyaarado aan cidina wadin, hub iyo qalab casri ah.

Dhinaca kale, Mark Doyle wuxuu sheegay in ciidamada Soomaalida ee ka garab dagaallamaya kuwa AMISOM ay yihiin geesiyaal dagaallami kara, balse mararka qaarkood u dhaqma si aan habboonayn.

“Dagaalka lagu qabsaday Qoryooley qeyb ayay ka ahaayeen [ciidanka Soomaalida], waxaan arkayay iyaga oo si geesinimo leh u caawimaya ciidanka AMISOM,” ayuu yidhi Mark Doyle.

Taliyaha ciidanka Uganda ee qabsaday Qoryooley ayaa sheegay inuu kalsooni badan ku qabo ciidanka Soomaalida.

“Waa dagaalyahanno, kalsooni aan la soo koobi karin ayaan ku qabaa. Masaafo fog ayay nala soo socdeen. Wax badan ayay nala qaban doonaan,” ayuu yidhi Dick Olum

Halkanka Ka Daawo Warbixinta Mark Doyly

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland

by Askar