Gobol Ka Mid Ah Ingiriiska Oo Arbacda U Codeynaya Aqoonsiga Somaliland Iyo Diyaar garowga Xafladda Debaaldegga Ee Jaaliyadda UK oo socota

Sheffield(berberanews)Gobolka ka mid ah Dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa la filayaa in ay aqoonsi buuxa siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii  dedaal iyo olole culus oo in muddo ah ay wadeen Jaaliyada reer Somaliland ee Magaalada Sheffield ku guuleysteen in maalinta arbacada ah Golaha deegaanka ee magaaladaasi u codeeyaan Aqoonsiga Somaliland.

shafield-som

Warsaxaafadeed ay soo saareen Guddida Aqoonsi raadinta Somaliland ee Jaaliyadda Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, ayaa waxa ay ku sheegeen in Maalinta Arbacada  todobaadka dambe ee bisha 4-aad tahay labada in ay Golaha Deegaanka Sheffield ay cod u qaadayaan in ay aqoonsadeen Madax banaanida Somaliland.

Warsaxaafadeedkan ay soo saareen Jaaliyadda Somaliland ee Shefield oo faahfaahsani  waxa uu u dhignaa sidan:  “Jaaliyadda Somaliland ee Magaaladda Sheffield Waxay  muddo dheer ku hawlanayd  sidii waddanka Somaaliland  Aqoonsi  buuxa uga heli lahaa  beesha caalamka, taas oo ah riyada ugu weyn ee ummaddu leedahay.  Haddaba iyadoo taas laga duulaayo waxay  Jaaliyadda Magaaladda Sheffield sawir buuxa ka bixisay xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka iyada oo ka bilowday gobolka ay degan yihiin si guud ahaan caalamka cadaadis loogu saaro qadiyadan,   Jaaliyadu waxay soo bandhigtay wax yaabihii u qabsaday tan iyo muddadii  ay  reer Somaliland la soo noqdeen xorriyadii ka luntay 1960kii, wakhtigaas oo ay Somaliland aqoonsi buuxa ka heshay 33 dawladood oo adduunka ka mid ah. 23 sanood oo ay Somaliland xor ahayd waxay dhisatay dawladnimo dhamaystiran oo aanay cidina ka caawin, waxay qabsadeen doorashooyin xor iyo xalaal ah oo aan ka dhicin badi waddamada Afrika, waxay la dagaalameen budhcad badeeda halaaga baday adduunka, waxay la dagalameen xagjirnimada, waxayna ummadda reer Somaliland iyagoo isku duuban dhisteen dhammaan shuruudiihii dal madax banaan looga baahnaa. Si hadaba taas loo xaqiijiyo, Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaalada  Sheffield waxay ku guulaysatay in Golaha degaanka Magaaladda Sheffield  oo ka mid ah Gobolada ugu waa weyn waddanka Uk aqoonsi buuxa uu siin doono wadanka Somaliland, 2/4/2014 oo ay inaga xigaan maalmo koobani haddii alle idmo.

Maalintaas oo noqonaysa  Arbacada soo socota, waxaa isu iman doona in ka badan 70 Xildhibaan oo golaha degaanada ah, ayna wehelin doonaan  qaar kamid ah Xildhibaanada ugu cad cad Goalaha Baarlamaanka Uk, waxaana si aqlabiyad ah loogu codeyn doona inay Magaaladda Sheffield dal Madax banaan oo adduunka  ka jira u aqoonsan tahay waddanka Somaliland, arrintaas oo ah markii koobaad ee bogcad dunida kamid ah ay ka dhacdo tan iyo 1960, in Somaliland laga aqoonsado. Xubnaha firfircoon ee hawshan gadhwadeenka ka ahi waxay hore booqasho ugu tageen xarunta Baarlamaanka Yurub bishii Oktobar 2012, waxaana ay ku guulaysteen inay ka soo dhaadhiciyaan qaddiyada Somaliland, waxaa booqashadaas fududeysay Linda McAvan MEP oo laga soo doorto Yorkshire iyo Humber.

Hawshan lagu Ictiraafayo Soomaliland  bishan April 2-deeda waxaa gacan buuxda naga siiyey Maxamed Macruuf oo ah Xildhibaan laga soo doorto Golaha deegaanka  Magaaladda Sheffield oo ay tageerayeen Neale Gibson oo isna ah Xildhibaan, waxaa iyana hawshaas tageero iyo caawimo buuxada ka gaystay Xildhibaanada Baarlamaanka Uk ee  Paul Blomfield iyo Clive Betts oo laga soo doorto iyanaga  magaladda Sheffield,  iyagoo sidoo kale kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka UK ee u xilsaaran arrimaha Somaliland iyo  dalkaasi Somalia.

MD

Jaaliyadda Somaliland ee ISRAAC oo ay la shaqaynayaan Xildhibaanada golaha deegaanka ee Mohammed Maroof, Neale Gibson iyo kuwa Baarlamaanka UK Paul Blomfield (MP) iyo Clive Betts (MP) waxay ku guulaysatay in Golaha deegaanka oo u badan Xisbiga Labourku ay  aqoonsi buuxa siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena  dawladda imminka talada haysa ay  culays ku saaraan sidii  guud ahaan dhulweynaha Britain iyo caalamku aqoonsi buuxa u siin lahaayeen Somaliland, waa arrin guul ah waana arrin cadaadis ku saaraysa Xukuumadda Uk inay bedasho Siyaasaddeedii Somaliland ay kula dhaqmi jirtay.

Xubnaha hawshan baaxadda leh gadh wadeenka ka ahi waxay kala yihiin Neale Gibson, Mohammed Maroof(Twitter: cllrMaroof), Caydarus Hussein Sahal, Ahmed Qaadi Mohamoud, Ismail Dualeh Yussuf  iyo  Adam Ahmed  Yusuf.

Waxay xubanha guddigani u mahadcelinayaan cid walba oo hawshan baaxadda leh kala qayb qaadatay kuna caawisay, taas oo  ay ugu horeeyaan dhammaan hablaha ururka Tusmo  oo ay hormuud u ahaayeen Xaali Jama (Kawle), Nadira Saeed,  Rooda Maxamed Xuseen, Nadia Saeed, Hinda Caydiid, Farhiya Bidhe, Zahra Yousuf Sahal.

 Waxaa kale hawshaas qayb libaax ka ka qaatay  oo aan u mahadcelinaynaa dhammaan Jaaliyadda reer Sheffield oo ay ugu horeeyaan Barre Aw gaab Dagaal, Yaasiin Qarbooshe, Mujaahid Cabdiraxmaan Gees,  Axmed Jawhari, Suldaan Cabdillaahi Cali Cartan, Canab Cali Gaas iyo qaar kale oo badan.

Ugu dambayn, Waxaan soo dhaweynaynaa wefdiga heer qaran ee  ka socda Dawladda Somaaliland  ee u imanaya hawshan qiimaha leh, si ay ula qaybsadaan  farxaddan Jaaliyada reer Sheffield ee UK.   Sidoo kale Waxaanu dhammaan jaaliyadaha rer Somaliland ee ku dhaqan Gobolada Uk  la socodsiinaynaa inay ka soo qayb galaan dabaaldegga maalintan lagu dhawaaqayo Aqoonsiga  oo ah Arbacada soo socota ee bishu tahay 2da April 12.30 galabnimo ayna yimaadaan Councilka Sheffield Hortiisa. Waxaan si gaar ah u marti qaadaynaa Safiirka Somaliland ee UK Mudane Cali Adan Cawaale, Madaxa TVga Qaranka ee Yurub Cabdiraxmaan Maxamed Adan iyo Gudoomiya Baarlaamka Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Ciro  Iyo Waftiga cuslus ee ay soo dirayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxaa maalintaas iman doona Saxaafadda Caalamiga ah ee ay kamidka yihiin BBC-da Aljazeera iyo Wargaysyo tiro baan.

Wixii Akhbaar dheeraad ah la soo xidhiidh

Adam Ahmed Yusuf (Sawaaxili) – Chair of Somali Community Association in Yorkshire and Humber: Tel. 07957888400

Eng. Ismail Dualeh Yussuf – Xidhiidhiyaha:                 Tel: 07939021629

Israac Somali Community Association

Vestry Hall, 54 Cemetery Road, Sheffield, S11 8FP”