Qaramada Midoobay oo sharci darro ku tilmaamtay Aftidii gobolka Crimea

UN (berberanews) Golaha Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar dhigaya in aftidii dhowaan ka dhacday gobolka Crimea ee dalka Ukraine in uu ahaa mid sharci darro.
 cremia
Ilaa boqol wadan ayaa u codeeyay qaraarkan oo sidoo kale lagu sheegay in uu ku xadgudbaayo madaxbanaanida Ukraine.
 
Reer Galbeedka ayaa si weyn u cambaareeyay talaabadaas, waxaana arbacadii Maraykanka iyo Midowga Yurub isku raacay in cunoqabateyno dheeraad la saaro Ruushka haddii uu kusii xadgudbo dhulka Ukraine.
 
Todobaadyo kahor afti usoo qaban qaabiyey Ruushka ayaa dadweynaha gobolka Crimea uu Ruushku xoog ku qabsaday ay u codeeyeen in ay ku biiraan Ruushka.
 
Arrintaan ayaa kusoo beegantay xilli Hay’addaa IMF ay ogolaatay in deyn ay siiso Dowladda Ukraine kaas oo u dhaxeeya $14-18 bilyan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland