Xiisad Cusub Oo Ka Soo Dhex Aloosantay Labada Kuuriya Iyo Hadalo Qalafsan Oo La isku Mariyay Warbaahinta

Korea: (berberanews) Xiisado ayaa weli ka aloosan gacanka Kuuriya, iyada oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan eedeymo. Koonfuur Kuuriya ayaa qabsatey doon kaluumeysi oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi oo ku soo habowdey biyaha Koonfuurta Kuuriya.

kore-- Askarjpg

Milateriga Koonfuur Kuuriya ayaa sheegay in doontu ay ilaa laba kilometer soo gashey xadka biyaha koonfuurta, isla markaana ay diidday digniin loo jeediyey oo ahaa onay dib ugu laabato halka ay ka timid ee dhanka waqooyi.

Saddex ka mid ah shaqaalihii saarnaa doonta ayaa xabsi la dhigay, iyadoo saraakiisha magaalada Seoul ay wadaan baaritaano. Saraakiisha ayaa intaa ku darey in ragga la soo qabtey aanay u muuqan kuwo doonayey inay waddankooda ka soo baxsadaan, ayna doonayaan inay dib u laabtaan.

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland