Dawladda Soomaalia Oo Ka Cadsatay Kenya In Ay Ka Noqoto Qoxaatid Ay ku Baaqday In dib Loogu Celiyo Somalia

Kenya(Berberanews)Kulanka ay wada sheen labada dawladood ayaa badnaa ku saabsan arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dadaab iyo Kakuma, waxaana si gaar loogu falanqeeyay go’aankii dhowaan Kenya ku amartay qaxootiga ku nool magaalooyinka waaweyn in ay ku laabtan xeryaha.

MG_

Wasiirka ayaa ka codsaday Xukuumadda Kenya in ay dib-u-eegis ku sameyso go’aankaas oo ay cambaareeyeen Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Go’aanka ayaa la filaaya in ay saameyn badan ku yeelato dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeysta magaalooyinka waaweyn.

Mr Beyle ayaa sidoo kale sheegay in ay sameyeen guddiga ka shaqeynaaya arrimaha soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed kadib markii heshiis saddex geesood sanadkii hore ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka, Kenya iyo Qaramada Midoobay.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland