Fadhigii saaka Baarlamaanka ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa lagu hor dhaariyay Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray, waxaana markii ay dhaarta dhacday kadib lagu soo dhoweeyay Sacab.
Xildhibaanad Fowziyo ayaa gashay booska ama kursiga uu baneeyay Xildhibaan ay isku heyb yihiin, waxaana sidaas dhigaya habka 4.5 ee Kuraasta Baarlamaanka, marka xildhibaan uu is casilo ama uu geeriyoodo in booskiisa xubin kale beeshiisa ama ehelkiisa lagu bedelo.
Fowziyo Yuusuf Xaaji ayaa noqotay haweeneydii u horeysay ee xil Wasiir arrimo dibadeed ka qabata Soomaaliya, waxayna xilligaas ay heysay muddo sanad ah, inkastoo ay dib ugu soo laaban weysay booskeeda ama xil kale oo Wasiir ah Xukuumadii cusbeyd.
Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka doodaya miisaaniyada sanadka 2014 oo ay soo gudbisay Xukuumada, waxaana lagu wadaa in Xildhibaanada ay ansixiyaan muddo 48-saac gudahood.