Raysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Norway Oo Noqonaya Xogahayaha Guud Ee Gaashaan Buurta NATO

UN(berberanews)Raysalwasaarihii hore ee dalka Norway Jens Stoltenberg ayaa noqonaya xogahayaha guud ee Gaashaanbuurta NATO, warbaahinta Reuters ayaa sidaas ka so xigatey Gaashaanbuurta NATO.

68th Session of the United Nations General Assembly

Wakiilada dalalka NATO ka mid ah u fadhiya Brussels ayaa maanta oo jimce ah isku raacey in Raysalwasarihii hore ee NORWAY uu noqdo Xogahayaha cusub ee Gaashaanuurta NATO.

Jens Stoltenberg ayaa ahaa hoggaamiyihii xisbiga shaqaalaha Norway (Ap), tan iyo sanadkii 2002. Waxa uu bartey dhaqaalaha, Sanadkii 1996 ayuu noqdey Wasiirka Maaliyadda ee Norway, sanadkii 2000 ayuu noqdey markii u horeysey Raysalwasaarha dalkaas, laakiin doorasho wax yar kadib dhacdey oo guul darro xun ka raacdey ayaa lagu khasbey in uu xilka ka dego.

Sanadkii 2005 ayuu mar kale noqdey Raysalwasaarha Norway, waxaana 1 Okt 2014 oo xilka kala wareegaya Anders Fogh Rasmussen Xogahayaha NATO oo isaguna horey dalka Denmark raysalwasaare uga soo noqdey.

Khubarada dhanka Mileteriga ayaa sheegaya in shaqada NATO xilligan ay cagaha la sii geleyso mid ka adag sidii hore, iyada oo muranka Ruushka iyo dalalka NATO ku jira u dhexeeya uu abuurey jawi kulul oo xaaladda si kale u rogi kara.

Dalka Norway waxa uu ka mid ahaa dalalkii wax ka asaasey Gaashaanbuurta NATO sanadkii 1949, waxaana uu hadda ka mid yahay 28 dal uu xulufadaas Miltery xubnaha fur-furcoon ka ah

Jens Stoltenberg ayaa laguxasuustaa sida uu warbaahinta uga soo muuqan jirey xasuuqii jasiirada Utoya loogu geystey dhalinyaro ka tirsan Xisbigiisa, weerarkaas oo uu qaadey nin cunsuri ah oo u dhashey Norway waxaana uu ku diley 77 qof.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland