Wariyihii Royal TV- Ee Gobalka Sanaag Darwiish Oo Xabisiga Loo Taxaabay Iyo Qabashadiisa Cidii Ka Danbeeysay

Hargeysa (berberanews) Ciidamadda Police ka gobolka Sanaag ayaa saaka xabsiga dhigay Weriyihii tvga Royal Tv,ahna wakiilka ururka saxaafadda ee SOLJ iyo Shabakadda Oodweynenews iyo Wargeyska Waaheen uqaabil sanaa Gobolka Sanaag Cabdulaahi Xuseen Darwiish waxana

darwish-

ciidamaddu weriyaha marki ay ugu tageen xafiiska usheegen in amarka xadhigiisa uu bixiyay Maayarka Degmadda Ceerigaabo iyiyo taliyaha Sirdoonka ee Gobolka.

Ma Cadda ujeedda ka dambeysa xadhiga Weriye Darwiish balse waxa uu isheegay inuu Maayarku dhibsaday maqaal/Article shaqsi soo diray oo uu weriyuhu ku daabacay Mareegta Oodweynenews.Com

Tiroba kudhowaad waa markii 10-aad ee Maayar Ismaaciil Si gaar ahaaneed xadhig cabudhin hadigaad iyo hanjabaad joogta ah ugula kaco Weriye Darwiish

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland