Wiil Uu Dhalay Col-Qadaafi Oo Shacabka Liibiya Ka Dalbaday Raaligalin Kuwa Hubeysanna Ku Booriyay in ay Dhigaan Hubka

LIBIYA(berberanews)  Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Libiya Col Qadaafi oo la yidhaahdo Saadi ayaa xabsiga kiyoo ku jira fariin u diray shacabka Dalkaasi Saadi oo u baxsaday dalka Libiya ay jaarka yihiin kolkii kacdoon xilka looga tuuray aabihii sanadii 2011kii ayaa waxa uu u baxsaday dalka Niger.

KADAFI

Dawlada KMG ah ee dalkaasi ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay ku qanciso dawlada Niger in ay gacanta u geliso wiilka uu dhalay Col Qadaafi.

“Waxaan raali gelin ka siinayaa shacabka Libiya falalkii khalkhal geliyay dalka sidoo kalena waxaan farayaa dadka weli hubeysani in ay hubka dhigaan”ayuu fariintiisa ku yidhi Saadi Qadaafi.

Saadi ayaa fariinta muuqaalka ah ka soo diray gudaha mid ka mida xabsiyada magaalada Tripoli liyoo xidhan dharka maxaabiista madaxana loo xiidhay.

Saadi Qadaafi ayaa ku can baxay kubada cagta oo uu Italy mudo gaaban ka ciyaaray iyo ku tagri falka hantida Libiya.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland