Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo qabsaday deegaan ka tirsan Hiiraan

Somalia(berberanews) -Ciidamada dowladda Soomaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Moqokori oo hoos tagta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,waxaana Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee la wareegay deegaanka Moqokori, Maxamed Cilmi Muumin (Saneey) oo la hadlay warbaahinta uu  sheegay in degaankaasi gacan ku heyntiisa ay si nabadgelyo ah ula wareegeen, kadib markiii sida uu yiri ay halkaasia isaga baxeen ciidamadii Al-shabaab.

Cidan-Jabuti-21

Warar ka madaxbanaan saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan wali gudaha u gelin deegaanka moqokori,ayna ku sugana yihiin meel ku dhow magalaada oo aan cidna hadda joogin labada ciidan,iyadoo dhinaca kale la sheegayo in ciidamadii aal-shabaab ee halkaasi ka baxay ay ku suagan yihiin goob aan sidaasi uga fogeyn magaalada Moqokari.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ee gobolka sh/dhexe ayaa sheegay inay deegaano kale kala wareegeen gobolka sh/dhexe,waxayna sida sheegeen hadda gacanta ugu jira 5 kamid ah degmooyinka gobolka sh/dhexe oo guud ahaan gaaraya ilaa 6 degmo sida uu sheegay guddoomiyha gobolkaasi ee dowladda soomaaliya CABDI Jiinow Calasow,  ciidamada huwanta  ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay  la wareegay degaano ka tirsan gobolada dalka qaarkood ,sida degmooyin iyo deegaano hoosyimaada gobolada Hiiraan, Gedo, Bakool, Shabeelaha Hoose,sh/dhexe  iyo Galgaduud, kuwaas oo ay horay ugu sugnaayeen  al-Shabaab

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland