Talibanka oo weeraray Xaruntii Guddiga Doorashada Afghanistaan

Afghanistaan(berberanews)Xoogaga Talibanka ayaa subaxnimadii Sabtida weerar xoogan ku qaaday xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Afghanistaan oo ku taal bariga magaalada Kabul ee caasimada dalkaasi Afghanistaan

Kabul

Weerarkan ayey fuliyeen tiro aan la aqoon oo ah dabley si aad ah u hubeysan oo xarunta weli hada ku dhex jira, kooxdan ayaa la sheegay in ay wataan bambaanooyin iyo hubka daraandooriga u dhaca.

Ciidamada dowlada Afghanistaan ayaa weli ku hareeraysan xarunta la weeraray, iyagoo sheegay inay dhawaan soo afjari doonaan dagaalka ka socda xarunta guddiga Doorashada.

Illaa iyo hada lama yaqaan khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan, waxaana sheegtay weerarkan xoogaga Taliban ee ka dagaalama dalka Afghanistaan.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay todobaad kahor xiligii loogu talo galay doorashada Madaxweynaha Afghanistaan oo la qorsheeyey inay dhacdo 5ta bisha April.

Talibanka ayaa horey u sheegay inay ka hortagi doonaan doorashadan isla markaana shacabka uga digay inay codkooda ka dhiibtaan doorashada, waxayna kooxdan horey u dileen qaar kamid ah xubnaha u ololeenaya qaar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland