Daawo“Mushkiladaa Dr: Cali Macow Qabsatay Waxaa Ka Danbeeya Dr,Yaasiin Carab Agaasimaha Dhatarka Manhal iyo Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka”Wakiilka Dr.Macow —Siciid Qulunbe

Hargeysa(Berberanews):- Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa Caasimaddooda Jigjiga ku casuumay Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw Aways, ka dib markii magaalada Hargeysa oo uu hawl-gal caafimaad inuu ka sameeyo u yimi ay Xukuumadda Somaliland sife qabiil iyo mid-dhaqaale-ba ugu diidday inuu la kulmo dad tiro badan oo isu-diiwaangeliyey inay Dr. Macaw oo muddo TV-yada laga baahinayey ogeysiis sheegaya inuu Hargeysa imanayo la kulmaan.

 m--w siciid

Xogwaran ay manta ay sooqabteen Xubno ka tirsan oo wakiil ka ahaa isla markaana ka shaqeeyey oggolaansha ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland markii hore siisay in Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw Aways hawlgal Caafimaadk ku yimaaddo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, ayaa sheegay in Dr. Macaw qaab qabiil loogu diiday inuu ka shaqeeyo Hargeysa, isaga oo ay dad tiro badani isu diiwaangeliyeen inay la kulmaan Dhakhtarka.

Itisaar Maxamed Cali Qoys  iyo Siciid Axmed Xaaji Qulunbe oo Wakiilka ahaa, isla markaana ka shaqeeyey in Dr. Macaw Hargeysa hawl-gal Caafimaad u yimaaddo, sidoo kalena Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oggolaansho rasmi ah uga qaaday, hase-yeeshee dano dhaqaale iyo qabiil ayay sheegeen in markii dambe Dhakhtarka Soomaaliyeed ay Guddiga Xirfadleyaasha Caafimaadka heer Qaran iyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ay ugu diideen in Bukaankii loo sii diiwaangeliyey intii aanu dalka iman inuu la kulmo amaba daweeyo.

Sadaa daraaddeed-na, waxay sheegeen inay dadkii is-diiwaangeliyey ee Lacagta laga hayey loo celin doono lacagtooda, Dhakhtarkuna uu fadhiisan doono magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Killalka Shanaad ee Itoobiya oo ay sheegeen in dawladda deegaanka Soomaalidu halkaas ugu yeedhay.

Halkan Ka Daawo Video

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland