Erdogan oo guul-weyn uga soo hooyatay Doorashooyinkii

Turkiga (berberanews) Xisbiga AKP ee cadaalada iyo Horumarinta oo uu hogaamiyo Raysalwasaare Tayyib Erdogan ayaa guul weyn uga soo hooyatay natiijooyinka doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ka dhacay dalkaasi Turkiga.

images (2)

Xisbiga AKP ayaa helay in ku dhaw kala-bar dhamaan cododkii ay shacabka dhiibteen waxaana natiijooyinkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in xisbiga Erdogan uu helay 47% cododka.

Erdogan ayaa sheegay in guushan ay muujineyso taageerada uu ka heysto shacabka Turkiga, xili todobaadyadii lasoo dhaafay ay mucaaridka xukuumadiisa wadeen olole ka dhan ah xisbigiisa oo ay ku eedeenayeen musuq maasuq.

Waxaana la shaaciyey codod si qarsoodi ah looga duubay sida la sheegay Raysalwasaaraha.

“…Tani waxay jawaab u tahay Siyaasiyiinta aan Anshaxa lahayn iyo kuwa aan wax himilooyin ah lahayn…”ayuu yiri Erdogan oo taageerayaashiisa la hadlayey isu soo baxay xalay ka dhacay magaalada Ankara.

Xisbiga AKP ayaa dalkaasi Turkiga kasoo talinayey 12kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana muuqata in xisbigaasi uu wax badan ka bedalay siyaasada, dhaqaalaha iyo waliba horumarinta dalkaasi Turkiga, midaasi oo uu ku hantay codod bad

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland