Madaxweynaha Somaliland oo Xubno Wasiira ah u diray Sheffield si ay goob joog uga ahaadaan Golaha Degmadaasi oo Aqoonsanaya Somaliland

Hargeisa (berberanews) Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Md.Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Maanta ka dhoofay Madaarka Hargeysa isaga oo u Ambobaxay Dalka Ingiriiska Gaar ahaan Magaalada Sheffield oo Golaheeda deeganku la filayo in Maalinta Arbacada ee Todobaadkan ay ku dhawaaqan Aqoonsiga Somaliland.

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2

Safarka wasiirka oo iloxogaal ahi noo sheegen ayaa wax uu ku qotomaa Sidii uu goob jog uga ahaan lahaa Cod u qaadista Golaha deeganka Sheffield oo la filayo in ay Aqoonsadan Somaliland.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna ku sugan Dhulweynaha Ustareeliya ayaa isagana sida uu qorshuhu yahay Ingiriiska tagaya si uu isaguna shirkaasi uga qaybgalo, wararka hordhaca ayaa sheegaya in madaxweynuhu labaadaasi wasiir u diray Sheffield si ay goob jog uga noqdaan u codeynta qadiyada Somaliland ee degmadaasi ka dhacaysa.

Sababta ugu weyn ee Keentay in Magaalada Sheffield golaheeda deegnaku ku dhiiado aqoonsiga Somaliland ayaa la sheegaya in ay tahay Jaaliyada reer Somalilandoo magaaladaasi ku badan iyada oo xisbiyada waaweyn ee dalka ingiirka ka jiraa ay codka degmadaasi ku tartmayaan iyada oo dadka reer Somaliland sheegen in cidii aqoonsata Somaliland ay codkooda siindoonan taasi oo la sheegay in muddo dheer soo socotay, waxana Awooda iyo tirro badnaanta dadka reer Somaliland ee halkaasi ku dhaqan la ogaaday ka dib markii 18 may ee sanadkii hore 2013 ay isku soo bax weyn ku muujiyeen meel fagaare ah oo ay xuskaasi si weyn u xuseen, waxana la sheegey in Xubnaha degmadaasi u qaabilsan Xisbiyada waaweyn ay codsi u dirteen xisbiyadooda kaaso oo ahaa in Somaliland la aqoosnado si ay codkaasi faraha badan wakhtiyada doorshad u helaan.

Waa markii ugu horeysay ee hadal ku saabsan Aqoonsiga Somaliland uu ka soo baxo bulshada caalamka.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland