Qarax Bam Oo sababay Dhimasho oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Muqdisho (berneranews) Qarax ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay xaafad ay soomaalidu degan yihiin ee Magaalada nairobi ee Dalka Kenya, qaraxaasoo la sheegay inuu ku geeriyooday hal qof oo loo malaynayo inuu farsamaynayey Qaraxa.

images31

Mr Barasa Wabomba oo ah taliyaha Booliska ee Deegaanka Starehe ee Magaalada Nairobi ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay qof, isagoo sheegay inay ku raad joogaan labo qof oo loo malaynayo inay ku lug lahaayeen qaraxaasi.

Sido kale Barasa Wabomba ayaa sheegay in qaraxaasi uu burburiyey qaybo ka mid ah dhismaha Guriga ay wax ka dhaceen inkasyoo aanu si rasmi ah u sheegin cidda ay ahaayeen kuwa qaraxaasi farsamaynayey, walow qaraxyada noocan ah farsameeyaan Kooxda Alshabaab oo weeraro hore uga gaysaty Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.

Si kastaba ha ahaatee qaraxan ayaa dhacay iyadoo Wasaarada Arimaha Dibadda Australia ay uga digtay Muwadiniiteeda in ay u socdaalaaan dalka Kenya gaar ahaan Magalooyinka Nairobi iyo Mambassa oo ay ku sheegtay in ay bartilmaameed u yihiin Weeraro, Afduubyo ay kooxaha Aragagaxisada xidhiidhka la leh ay ka fuliyaan.

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland