Talibanka oo afduubay Murashax Xildhibaan iyo 7-Qof Oo U Ololeynayay

Afghantan(berberanews)Kooxda Taliban ee dalka Afghanistaan ayaa qafaashay murashax u taagan xildhabaan gobalka Sar-i-Puland ee waqooyiga dalkaasi Afghanistaan.

Talibanka3

Murashaxa ayaa waxaa sidoo kale lala afduubay 7 kamid ah kooxdii ololihiisa ee la socotay.

Dowlada Afghanistaan ayaa sheegtay in aaney la socon wax illaalo ah murashaxa la afduubay.

Odey dhaqameedka gobalkaasi ayaa imika  waan waan kula jira Talibanka inay soo siidaayaan dadka ay afduubteen.

Sabtidii lasoo dhaafay ayey kooxda Talibanka weerar xoogleh ku qaaday xarunta Guddiga Doorashada ee magaalada Kabul halkaasi oo ay ku dhinteen 4 qof.

Talibanka ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan weerarad oo xiliga ay socoto doorashada la qorsheeyey inay dhacdo todobaadkan (5ta April).

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland