Cudurka Ebola oo kusii fiday dalka Guinea

GUINEA (berbernew) Hay’adaha gargaarka caafimaadka ee ka shaqeeya dalkaasi Guinea ayaa walaac xoogleh ka muujiyey qaabka uu usii fidayo cudurka halista ah ee EBOLA.

ebola

Cudurkan dilaaga ah ayaa inta badan loo dhintaa mana laha kahor tag iyo waliba daawo.

Hay’ada dhakhaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in si baaxadleh cudurkan usii fidayo iyadoo walaac ka muujisay hakinta cudurkan oo ku fiday magaalooyin badan oo kamid ah dalka Guinea iyo waliba dalalka jaarka la ah ee Liberia iyo Sierra Leone.

Dowlada Guinea ayaa xaqiijisay in illaa iyo hada la hayo 128 qof oo uu cudurkan ku dhacay, waxaana illaa iyo hada dhintay 78 qof.

Dowlada Liberia ayaa shalay (Isniin) ku dhawaaqday inay xirtay xaduudii ay la lahayd dalka Guinea. Sidoo kale wadanka Sierra Leone ayaa ka fekeraya in xaduudiisa uu la wadaado dalka Guinea uu xiro.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in cudurkan uu si fudud dadka ugu faafo balse waagii hore si fudud looga hortagi jiray maadaama cudurkaasi laga soo sheegi jiray tuulooyinka ka fog magaalooyinka waaweyn, hase yeeshee cudurkan ayaa hada ku fiday dhowr magaalo oo waaweyn taasi oo caqabad ku noqon karta xakameynta fidida cudurkan.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in 10kii qof ee cudurkan uu ku dhaco ay 9 kamid ah u dhintaan

 Berbernews-Desk

Somaliland/Hargeysa/ OFFICE