Golaha Degaanka Sheffield ee Ingiriiska oo Aqoonsiga Somaliland la Hordhigayo Arbacada Berri

Sheffield-(Berberanes)-Golaha Degaanka magaalada Sheffield City ee dalka Ingiriiska, ayaa la hordhigi doonaa mooshin lagu dalbanayo in aqoonsi caalami ah loo fidiyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo wasiirro iyo masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsan ka qaybgeli doonaan kulanka mooshinkaas lagaga doodayo Arbacada berri.

Xarunta Golaha degaanka Sheffield, muuqaalka guud ee magaaladaas iyo calanka Somaliland

Mooshinka xambaarsan aqoonsiga Somaliland, waxa diyaariyey xildhibaan Mohammad Maroof oo xubin ka ah Golaha Degaanka Sheffield City, kaasoo si xooggan loogu sharraxay taariikhda Somaliland, hannaanka dimoqraadiyadeed ee ka jira, isla markaana muujinaya inay buuxisay dhammaanba shuruudaha dawladnimo ee dalka lagu aqoonsan karo, sidaa darteedna loo baahan yahay in Jamhuuriyadda Somaliland loo aqoonsado qaran madaxbannaan oo kursi ku yeesha Qarammada Midoobay.

Wasiirradda Arrimaha Dibedda Md Maxamed Biixi Yoonis, Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Axmed Ducaale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro iyo masuuliyiin ka socda jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Ingiriiska, ayaa ka qaybgeli doona fadhiga Golaha Degaanka Sheffield ee lagaga hadli doono aqoonsiga Arbacada berri oo taariikhdu tahay 02 April 2014.

Golaha degaanka magaalada Sheffield, ayaa la filayaa inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland, iyadoo arrintaasi aanay ka dhignayn in dawladda Ingiriisku aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland, balse ictiraafkaasi waa mid ku kooban Golaha Degaanka Sheffield, taasoo noqon doonta iftiin yar oo u baxay ololaha Somaliland ugu jirto inay aqoonsi buuxa kaga hesho beesha caalamka.

Golaha Degaanka magaalada Sheffield City oo ka kooban yahay 84 xildhibaan oo aqlabiyadda ugu badan ka soo jeedaan xisbiga Labour-ka ee Ingiriiska, kaasoo 60 xubnood ku leh golahaas, halka 22 mudane ka soo baxeen xisbiga Liberal Democratic, halka laba kalena ka soo jeedaan xisbi yar oo dalkaas ka tirsan.

Waxa kale oo degaanka Sheffield lix mudane ku leeyahay baarlamaanka Ingiriiska, lix kalena Baarlamaanka Midowga Yurub, iyadoo arrintaasina muujinayso muhiimadda iyo saamaynta degaanka Sheffield ku leeyahay gudaha Britain iyo guud ahaan qaaradda Yurub, waxaannu aqoonsiga Somaliland ee Golaha Degaanka Sheffield faa’iido u leeyahay inay saaxiibbo xooggan ku yeelato gudaha Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Dhinaca kale, aqoonsiga Somaliland ee Golaha Degaanka Sheffield City, ayaa la filayaa inuu saamayn ku yeesho, isla markaana farriin siyaasadeed u diro xisbiga Labour Party oo xildhibaannada ugu badan ku leh, xisbigaasoo ay ka soo jeedaan ra’iisal-wasaarayaashii ugu dambeeyey ee Mr. Tony Balair iyo Gordon Brown, xisbigaasina hadda waa mucaarad, waxana hoggaamiya Mr. Ed Miliband oo xubin ka ah baarlamaanka Ingiriiska.

Magaalada Sheffield City oo dhul ahaan ku fadhida bed dhan 367.9 km², waxa ku nool dadweyne tiradoodu gaadhayso 551,800, iyadoo afartii sanno hal mar doorashooyinka golayaasha degaanku ka dhacaan guud ahaanba dalka Ingiriiska.

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa aad ugu dhegtaagaya natiijada ka soo baxi doonta mooshinka la xidhiidha aqoonsiga ee Golaha Degaanka Sheffield ka doodayo Arbacada berri haddii Ilaahay yidhaa.