Kenya oo Hawlgal Maanta Qaatay Saacado Ku Soo QabQabtay Dad Sare Udhaafaya Lixboqol Oo Somalia

Nairobi (berberanews) Hawgallo ballaadhan oo dhanka amaanka ah oo maanta Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya ay ka sameeyeen Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhawaad 657 Ruux oo lagu tuhmay Ururka Al Shabaab.

images (11)

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in howlgallo ay ka bilaawdeen Xaafada Islii waxuuna intaasi ku daray in gacanta lagu soo dhigi doono Kooxihii geystay Weerarkii Xalay.

thumb

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa looga dalbaday in Shacabka kala duwan ee ku Nool Xaafada Islii ay amniga kala shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee Dowladda Kenya si looga hortago Weerarada Al Shabaab.

“Waxaa suurti gal ah in 657 Ruux ee la soo qabtay ay ku jiraan Kooxihii Xalay Weerarka ku qaaday Maqaaxi ku taala Islii balse waxaa balan ah in aan gacan bir ah ku qabano Raggaasi” sidaasi waxaa yiri Joseph Ole Lenku.

Howlgalladan maanta lagu qabtay 657 Ruux oo looga shakisan yahay Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab oo ku dhuumaaleesanaya gudaha Nairobi ayaa ka dambeeyay kadib markii Xalay Weerar lagu Dilay 6 Ruux, 25 kalena lagu dhaawacay uu ka dhacay Xaafada Islii, Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland